Zimbabwe: Madaxweyne Robert Mugabe oo xilkii iska casilay caawa


London (Kasmo), Madaxweynihii Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa is-casilay, sidaasna waxaa, saacad ka hor,  Barlamaanka Harare oo shirsan hortiisa ka sheegay, Guddoomiyahooda, Jacob Mulenda.

Warqadda istiqaaladda Madaxweynaha oo laga akhriyay Barlamaanka waxaa ku qornaa: “Aniga oo ah Robert Gabriel Mugabe, waxaan, si waafaqsan qodobka 96 ee Dastuurka Zimbabwe, dhiibayaa istiqaalad.

Go’aanka istiqaaladda aniga oo qur ah ayaa gaaray, waxaanan u doorbiday rabitaankayga, kalaguur nabadeed oo awoodda dalka ah”. Markii intaa la akhriyay ka dib, Xildhibaannada Barlamaanka ayaa joojiyay Mooshinkii xil ka-qaadista ee socday, iyaga oo si damaashaad ah u soo dhoweeyay.

Emmerson Mnangagwa oo horey uu Mugabe u eryay ayaa xilka la wareegi doona 48 saaac gudahood, sida uu wakaaladda wararka AP u sheegay Sarkaal sare oo Xisbiga ZANU-PF ka tirsan.

Mugabe wuxuu is adkaynayay toddobaad idil, ka dib markii Militariga dalkaasi  kala wareegeen taladii, 2 maalmood ka horna wuxuu dadweynaha uga jeediyay Tvga Zbc ee Dowladda khudbad 20 daqiiqo socotay.

Laakiin, si ka duwan wixii looga faadhiyay, marna sooma hadal qaadin istiqaalad, wuxuuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyay: “Dhammaantiin waa aad mahadsantihiin, habeen wanaagsan”. Ilo-wareedyo ku dhow saraakiisha Militarigu waxay sheegeen in kulankii ay la qaateen Madaxweynuhu ku aqbalay in uu xilka iska wareejiyo.

Kasmo Online

Post Comment