Yaa u baahan vitamin D sideese ku heli kartaa in kugu filan?


wpnx-10004_istock_80345667_medium-e1475585031998-1020x575-kg4c-u1100296047903x6b-1024x576lastampa-itSawirka Ururka Caalamiga ah ee la tacaalidda Lafa-xanuunka, “International Osteoporosis Foundation” uu ka bixinayo quudashada nafaqada Vitamin-D ee Dunidu waa mid qayaxan. Qiyaastii 88% dadweynaha Dunida waxaa ku yar nafaqadaas muhiimka ah ee waxtarka u leh hab-dhismeedka lafaha, wareegga dhiigga, murqaha iyo koritaanka unugyada.

Nafaqadaan oo ka samaysanta marka qorraxdu oogada qabsato, haddii ay yaraato waxay horseedi kartaa xaalad masiibo caafimaad oo dadweyne; sababaha keeni kara hoos u dhaca nafaqadana waxaa ka mid ah:

a- qaadashada qorraxda oo yar

b- qaadashada Vitamin D oo yar

c- qaadashada Calcium-ka oo yar

d- shaqada mindhicirrada (Intestinal absorbtion) oo yar

e- Kalyaha iyo beerka oo jirrada

f- qaadashada dawooyinka qaar, sida noocyada “Steroids”

g- cayilka xad-dhaafka ah (Obesity).

Sidaa darteed waa lama huraan iyo khasab in lagu dadaalo qaadashadeeda, si looga badbaado loogana hortago cudurrada. Nafaqa la’aanta Vitamin D waxaa ka dhasha xaalado caafimmad darro oo ay ka mid yihiin:

1-OSTEOPOROSIS: waa xanuun lafaha asiiba, waxaana la il daran 200 oo malyuun dunida oo rag iyo haween da’doodu ka sarreyso 75 sano, qalloocsamidda lafaha oo kordhisa jabniinka, waxaa keena hoos u dhaca maaddada “Calcium”oo la shaqaysa Vitamin D.

Sannadka 2020kana wuxuu nqon doonaa xanuunka 3aad oo bulsho ahaan la dareemo, oo ku soo xigi doona wadne-xanuunka iyo kansarrada.

2-DIABETES: heerka macaanka (Glucose) dhiigga oo sare u kaca waxaa keena marka is beddel ku dhaco habka kantaroolka “Insuline”ta oo ah “Hormone”la shaqeeya Vitamin D.

3-SARCOPENIA: oo inta badan laga helo waayeelka waa tabardarrada murqaha, waxaana ugu wacan nusqaanta hab-dhismeedkooda, oo ka dhalata heerka hooseeya ee Vitamin D.

4-CUDURRO KALE: nooc kansarrada ka mid ah, xanuunnada ka dhasha habka difaaca jirka (Autoimmune Deseases), neef-mareenka iyo caabuqyada.

Waa kuwama dadka sida aadka ah ugu baahan Vitamin D?

Dadka oo idil, yar iyo weyn, ayaa u baahan, waxayna u tahay lagama maarmaan da’ kasta iyo qof kasta, waxaana si gaar ah ugu sii baahan dadka la il daran xanuunnada, sida Sokorowga. Waxaana la mid ah dadka da’da ah oo lafa xanuunka “Osteoporosis” hayo, guud ahaanna, waxaa lagu talinayaa, qaadashadeeda marxaladda koritaanka, dadka Isboortiga, haweenka uurka leh, carruurta iyo dadka ka weyn 75 sano.

Waa habkee sida jirku u qaadan karo Vitamin D?

Waa badanyihiin, waxaana ugu horreeya qorraxda oo la isu dhigo, iyada oo si caadi ah dibadda loogu baxayo, gacmaha iyo lugahana la qaawiyo (haddii ay suurtagal tahay). Waana in 5 ilaa 30 daqiiqo maalintii, ugu yaraan 2 jeer toddobaadkii la baxo. Waxaa kale oo laga helaa cuntooyin kala duwan, dawooyin iyo Fiitaminaadka cuntooyinka dheellitira ee loo yaqaanno “Xoojiye-yaasha”.

Waa kuwama cunnada ay ku badantahay Vitamin D, inteese qiyaas ahaan laga cuni karaa?

Cunnooyinka hodanka ka ah Vitamin D waa yaryihiin, waxayna dabooli karaan oo qur ah 20% baahida, laakiin in la aqoonsado waxay taraysaa in si xilkasnimo leh loo kala xusho.

Tusaale ahaan kalluunka waa lagu talinayaa, gaar ahaan noocyadiisa sida Tuna, Salmone, Yumbi, kuwa kale iyo saliidda kalluunka oo hodan ka ah nafaqadaan. Xitaa qaar ka mid ah hilbaha xoolaha, sida idaha, digaagga, waliba ukunta, Yoghurt-ka, caanaha lo’da, iwm.

Waxaana ka mid ah noocyada miraha qallalan, saliidda Seytuunka “Extra Virgin Olive oil”, waxaas oo idil qiyaas ahaan ilaa 150gr.

Waa kuwama, mase jiraan sababo diidaya qaadashada Vitamin D?

Ma jiraan waxyaabo diidaya, marka laga hadlayo ilo dabiici ah oo Vitamin D ah sida qorraxda iyo cuntada, laakiin waa in an labadaba lagu talaxtagin. Qorraxdu waa fiicantahay, laakiin dadka u nugul shucaaceeda, xilliyada kulaylaha, waa in ayan isu dhigin, saacadaha ay aadka u kulushahay.

Haddii la iska badiyo Vitamin D maxaa imaan kara?

In la iska badiyo iyo cawaaqibka ka soo gaaraya caafimaadka waxay ka iman karaan oo qur ah marka loo sii maro qaadashada dawooyinka iyo xoojiye-yaasha an soo sheegnay.

Sidaa darteed waa in la qaato, iyada oo la raacayo talada hawlwadeennada caafimaadka, oo noqon kara Dhakhtar ama xeeldheere ku takhasusay quudinta. Waana xeer u jira dadka fayoow iyo kuwa duruufo gaar ahaaneed oo caafimaad qaba intaba.

Macluumaadka maqaalkan ku jira waxaa asal ahaan baahiyay Wargayska ” La Stampa”.

Kasmo Online

 

 

Post Comment