Xiisadda Masar, Suudaan & Itoobiya ee Wabiga Blue Nile


London (Kasmo), Madaxweynaha Masar, Cabel Fatax Al-Sisi, ayaa si toos ah Tvga ugaga dhawaaqay maalintii Isniinta, in dalkiisu aanu shirqoolla damacsanayn, kuna talajirin in uu dagaal ku qaado Sudaan iyo Itoobiya.

Hadalka Al-Sisi wuxuu ku soo beegmayaa xilli xiisad gaar ahaaneed ka aloosantahay Gobolka, taas oo ku saabsan muranka dhammaystirka Biya-xireenka Weyn GERD (Grand Ethiopian Rainassance Dam).

Mashruucaan oo ah midka ugu weyn Afrika ee korontada dhaliya waxaa Itoobiya soo bilowday sannadkii 2011kii, wuxuuna biyaha ka dhaansanayaa Wabiga ‘Blue Nile’ ee Masar iyo Suudaan mara, kuwaas oo ka baqaya in hoos u-dhac ku yimaado khayraadkooda biyood.

Itoobiya waxay qabtaa in Boya-xireenku waxyeello u keeni doonin khayraadka biyood ee Masar, mashruucuna muhiim u yahay horumarka dhaqaale ee aagga oo idil. Blue Nile oo ah 2da farac ee Wabiga Nile midkood wuxuu ka soo burqadaa Harada Tana ee Itoobiya oo biyihiisu 85% ka soo jeedaan.

Maamulka biyaha 2da Wabi waxaa lagu dhaqaa 2 xeer oo la kala sameeyay 1929 iyo 1959, oo midka hore wada galeen Masar iyo Britain oo xilligaa gacanta ku haysay Suudaan, wuxuuna 2da dal siinayay xuquuq ay uga faa’ideystaan.

Markii Suudaan ka xorowday Britain, Qaahira iyo Khartoum waxay dib u wada galeen heshiis ilaa hadda jira oo siinaya Masar 75% biyaha Nile, 15%-ta kalena Suudaan. Sannadkii 1999kii waxaa markaas dhashay ‘Nile Basin Initiative’ si loo soo afjaro muranka arrinta, taas oo lagu cayimay in si siman looga faa’ideysto khayraadka biyood ee wabiga.

Ugu dambaystiina, sannadkii 2010kii waxaa la isla gaaray Heshiiska ‘Cooperative Framework Agreement’ oo lagu beddelay heshiikii 1959kii, kaas oo, si kastaba ha ahaatee, Masar iyo Suusaan ayan midkoodna wali saxiixin.

Ilaa manta Masar waxay Suudaan ku eedeynaysaa in ay kala safatay Itoobiya, halka Suudaan aaminsantahay in Masar taageero siiso kooxo fallaago ah oo ka hawlgala gudaha Eritrea.  Sababahaas dartood, mas’uuliinta Khartoum waxay 4tii Jennaayo uga yeerteen Safiirkoodii fadhiyay Qaahira, si wadatashi ku saabsan arrimahaas loola yeesho.

Xaaladda waxaa sii murjiyay saxiixa heshiis, dhammaadkii Disembar 2017kii dhexmaray Suudan iyo Turkiya, oo lagu dayactirayo dekedda qaddiimiga ah ee xilligii Cismaaniyada,  Sauakin ee badda Cas, halkaas oo Ankara fariisin uga dhigi doonto maraakiib military.

Tillaabadaas ma ahan mid laga jeclaystay Masar oo ka baqaysa in Turkiya ku ballaariso qalqaaladeeda (Influence) Gobolka. Sida uu qorayo Wargayska ‘Africa News’ Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, oo toddobaadkii hore la kulmay dghiggiisa Suudaan, ayaa laga yaabaa in uu dhakhso u gaaro Qaahira, si xal loo helo.

Kasmo Online

Post Comment