Xiisadda Gacanka: Kuwait oo dhinacyada ugu baaqaysa wada-hadal


London (Kasmo), Waxaa soo baxaya warar ku saabsan in Xukuumadda Kuwait  ku hawlantahay  dadaallo lagu curinayo wada-hadallo toos ah oo dhexmara dhinacyada isaga soo horjeeda xiisadda Carbeed ee ka aloosantay  Gacanka 5tii Juun.

Amiir Sabax Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabax ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Sheikh Sabax Al-Kahlid Al-Sabax iyo ku-xigeenka R/Wasaaraha isla markana ah wasiirka Arrimaha Gudaha u diraya dalalka Gacanka, si ay dhambaallo qoraal ah u gaarsiiyaan madaxda dalalkaas.

Sida ay warinayso wakaaladda KUNA ee Wararka Kuwait, dhambaalladu waxay xambaarsanyihiin xaaladihii u dambeeyay ee danaha guud ee Gobolka iyo kuwa Caalamiga. Idaacadda Al-Jazeera qaybteeda afka Carabigana waxaa laga sheegay in nuxurka dhambaallada Amiirka an wali daaha laga qaadin.

Wasiirrada Kuwait ayaa Isniintii, 7dii Agosto dhambaalladaas gacanta ka saaray dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salman iyo Madaxweynaha Masar, Abdel Fatax Al-Sisi.

Sidoo kale, Talaadadii 8dii Agosto, waxay  gaarsiiyeen madaxda Imaraadka, Baxrayn iyo Suldaanka Cumaan, Suldan Qaabus Bin saciid Al-Saciid.

Qorshaha Kuwai ayaa la sheegay in uu si buuxda ula jaanqaadayo Maraykanka, iyada oo toddobaadkii hore, Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson u xilsaaray  2 sarkaal oo Maraykan ah sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha Khaliijka.

Labada sarkaal ayaa saacadaha soo socda ku soo beegan Kuwait, iyaga oo isu mari doona dalalka ay ka dhexayso xasaradda Gacanka ee Sacuudi Carabiya,Imaraadka Carabta Midowday, Baxrayn iyo Qadar.

Dhammaadka bisha Agosto, Amiirka Kuwait ayaa la filayaa in uu booqasho ku tago Maraykanka, si uu ula kulmo Madaxweyne Donald Trump.

Kasmo Online

Post Comment