Xiisad Siyaasadeed oo ka qaraxday Carabta iyo xiriirkii Dibolomaasi oo loo jaray Qadar


London (Kasmo), Dalalka Saudi Arabia, Bahrein, Masar iyo UAE ayaa xiriirkii Dibolomaasiga ahaa u jaray dalka yar ee Qadar, kuwaas oo Dibolomaasiyiinta Qadar siiyay 48 saac in ay uga baxaan dalalkooda. Waxaa  kale oo ay ku dhawaaqen inay Qadar ka xiri doonaan gaadiidka hawada iyo midka badda.

Marka laga reebo Masar, 3da  kale waxay muwaadiniinta caadiga ah reer Qadar ee jooga u qabteen 14 casho in ay uga baxaan dalalkooda.

Qadar waxaa kale oo laga saaray is-bahaysigii dagaalka kula jiray fallaagada Xuutiga, iyada oo dalka Yaman qudhiisu xiriirkii Dibolomaasiga ahaa u jaray.

Halkaas Gaashaanbuurtii Carbeed waxay u muuqataa mid u kala jaban hadda 2 qaybood:  mowqifka Kuwait iyo Cummaan oo ka  wada tirsan Golaha  Is-kaashiga Khaliijka, (GCC)  ayaa ka yare dabacsan, lamana safan wali dhanka Sacuudiga.

Ilaa markii uu bilowday kacdoonkii Carabta ee “Arab Spring”, dhammaadkii 2010kii,  xiisadda Istrateejiga ah ee Qadar iyo dalalka qaar ayaa kacsanayd. Sannadkii 2013kii, markii Riyadh taageertay afgambigii Al-Sisi ee lagu riday Maxamed Morsi, Sacuudiga iyo dalalka Khaliijku waxay xiriirkii Dibolomaasi u jareen Qatar muddo 8 bilood ah.

Dalalka Xulufada la ah Sucuudigu waxay 10 casho ka hor ka mamnuuceen dalalkooda Idaacadda Al-Jazeera ee fadhigeedu yahay Dooxa, iyada oo Qadar muddo dheer lagu eedeynayayay taageerada argagixisada, taas oo ay iska fogaysay.

In kasta oo mad-hab ahaan Qadar haysato “Wahaabiga” sida Sacuudiga, haddana waxay taageertaa kacaanka kooxaha “Salafiga” ah, sida “Akhwaanul-Muslimiin” oo iyagu ka soo horjeeda Boqortooyada Sacuudiga  iyo Xamaas.

Laakiin sababaha khilaafka keenaya intaa waa ka sii qota dheeryihiin: Qadar, Kuwait iyo Cumaan waxay waligood xiriir fiican la leeyihiin Iiraan, gaar ahaan Qadar waxay Iiraan la wadaagtaa kaydka ugu ballaaran dunida ee Gaaska ku jira Gacanka Persia. Sidaa darteed wax dan ah uguma jirto colaadinta tooska ah ee Iiraan.

Mowqifka Qadar ee Israel ayaa ka qallafsan midka Sacuudiga iyo UAE oo iyagu xiriir fiican la leh Israel, qarkana u saaran  in ay aqoonsadaan safaaradana ka furtaan.

Meelaha kale oo la isku qoonsaday waxaa ka mid ah dagaalka  Libiya oo noqotay goob uu ka socdo dagaal durugsan  “Proxy war”,  danaha dalalka Khaljiikuna isku hardiyaan.

Qadar waxay taageertaa Maleeshiyaadka Islaamiga ah ee Misurata, kooxaha daacadda u ah R/Wasaarihii hore, Khalifa al-Ghweil iyo Muftiga weyn, Sadiq al-Qariyani. Halka Masar iyo UAE, si toos ah, diyaaradohooda dagaalka ugu taageeraan kooxaha ka amar qaata Jeneral Khalifa Haftar.

Arrimahaas iyo dano shaskhi ah oo la sheegay in ay ka dhexeeyaan  qoysaska reer Ala-sacuud iyo reer Al-Thani  ayaa ka mid ah sababaha xiriirkii loogu jaray dal hodan ku ah Gaaska oo marti-galin doona koobka Adduunka ee 2022ka, dadkiisuna dhanyihiin 300,000 laakiin ku noolyihiin in ka badan 2 malyuun oo shisheeye ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Rex Tillerson ayaa isaga oo fajacsan  farriin u diray dalalkaas si an la burburin xulufadii  dagaalka argagixisada, gaar ahaan midnimadii Golaha Khaliijka ee la asaasay sannadkii 1981kii.

Waxaa la is weydiin karaa sababta khilaafkaan carqaladayn kara is-bahaysigii ka dhanka ahaa argagixisada ku soo beegay  muddo gaaban ka dib  booqashadii Madaxweyne Donald Trump ku soo maray Bariga Dhexe.

Kasmo Online

Post Comment