Xanuunka kalyaha iyo tirada sannad kasta u dhimata Dunida


London (Kasmo), Xanuunka kalyaha wuxuu khuseeyaa ugu yaraan 1 qof 10kii qof oo qaangar ah dunida, sidaas ay tahay, taxaddarka laga qabo, dalalka reer Galbeedka iyo kuwa soo korayaba aad ayuu u hooseeyaa.

Sawirka ka soo baxaya Diiwaanka Caafimaadka kalyaha ee looga dooday Shirweynihii u dambeeyay ee ” World Congress of Nephrology” ee Maxico City, (21-25 April 2017),  laguna baahiyay Wargayska  “Journal of the American Medical Association” waa mid walaac badan leh.

Dokumentigaas oo lagu qeexay khariidadda Dunida ee xanuunnada kalyaha waxaa ka soo bidhaamaya dul-duleellada muuqda ee ka jira la tacaamulka xanuunnada kalyaha: daweyn iyo ka-hortag intaba. Waana xaalad dhan kasta u baahsan oo cawaaqib ku leh caafimaadka dadyowga iyo dhaqaalaha Dowladaha.

Adeera Levin waxay Bare Sare ka tahay Jaamacadda “British Columbia” ee Vancouver, waana Guddoomiyaha “International Society of Nephrology” waxayna leedahay sidaan: “Heerka 1aad ee xanuunka kalyaha waxaa lagula tacaali karaa hab-nololeedka cuntada “Diet”, haddii xanuun yari jirana macneheedu ma ahan in markiiba loo gudbo “Dialysis”(sifaynta kalyaha) ama kalii la baddelo (Transplantation).

Laakiin si arrimahaasi looga badbaado waa in la kordhiyo baaritaanka ka-hortagista ah, waana midkaa waxa hadda maqan, cawaaqibkiisuna muuqanayo.

Dalalka dakhliga sare leh, Sacuudiga & Beljium ayaa diiwaangaliyay tirada ugu sarreysa ee kalyo-xanuunka (24%), waxaana ku soo xiga Poland (18%), Jarmalka (17%), UK & Singapore (16%), Canada & Australia (13%). Tirada ugu hooseysana waxaa lagala kulmay Norway & Holland (5%).

Guud ahaan Dunida, tirada sannad kasta u dhimata xanuunka an la daweyn ee kalyaha waa 1 malyuun, dadka ugu jira halistana waa kuwa sigaarka caba, kuwa cayilan, kuwa sonkorta qaba, kuwa qoysaskoodu kalyo-xanuun ama wadne-xanuun qabaan.

Dadka halista noocyadaas ah qaba waa in ay si joogto ah ula socdaan caafimaadka kalyahooda, taas oo baaritaan caadi ah oo dhiigga, kaadida iyo dhiig-karku ku filantahay, inta an loo baahan baaritaanka heerka 2aad, sida kaadida oo laga baaro “Proteine-ka”, iwm.

Hab-nololeed fayow “Diet” oo khudrad iyo miro u badan, cusbada yar, dhaqdhaqaaq badan oo xagga  jirka ah, sigaarka oo la joojiyo iyo dhiig-karka oo la kontaroolo ayaa baajin kara ama hakin kara xanuunka kalyaha.

Kasmo Online

 

Post Comment