Xaalka Qudus: Ururka Xamaas oo ku baaqay kacdoon “Intifada” cusub


London (Kasmo), Dibadbaxyo xooggan ayaa ka soconaya magaalooyinka Daanta Galbeed qaarkood, sida Beytullaxam, Hebron iyo Ramallah, maalin ka dib go’aankii Trump ku aqoonsaday Qudus in ay tahay Caasimadda Israel.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Ismaciil Haniyeh, ayaa dadweynaha Falastiin ugu yeeray in ay maalinta berri oo Jimce ah, 8da Disember 2017, bilaabaan kacdoonkii dhagaxtuurka, “Intifada” ee 3aad.

Taas oo jawaab looga dhigayo go’aankii maalintii Arbacada 6dii Disembar 2017, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ugu aqoonsaday Qudus in ay tahay Caasimadda Israel.

Haniyeh wuxuu dhammaan garabyada kale ee Falastiin ka codsaday in ay gees isaga riixaan khilaafaadkooda, lana yimaadaan istrateejiyad midaysan oo looga soo horjeedo Israel iyo Maraykanka.

Hoggaamiyaha oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaza wuxuu xusay in kacdoonkii “Intifada” ee u horreeyay ka dhaqaaqay Gaza, 30 sano ka hor, 9kii Disember 1987kii.

Wuxuu kale oo Ururka Fatax ee Maxamuud Cabbaas ka codsaday in ay isaga baxaan heshiisyadii Oslo ee nabadgalyada Israel, kana shaqeeyaan dib u heshiisiinta iyo midnimada ree Falastiin.

Dhanka kale, R/wasaaraha Israel.Benjamin Netanyahu, ayaa caddeeyay in ay jiri dsoonaan dalal kale oo sida Maraykanka yeeli doona , hay’adahooda Dibolomaasina u soo rari doona Jerusalem.

Maqaamka “Status” magaalada Qudus wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu dhibta badan geedisocodka nabadda Bariga Dhexe, sidaa darteed Beesha Caalamku waxay qabtaa in go’aankeeda loo daayo oo qur ah wadahadallada nabadda ee Falastiin iyo Israel.

Waa tan markii Donald Trump ku dhawaaqayay go’aanka Maamulkiisu ku aqoonsaday Quddus in ay tahay Caadimadda Israel:

Kasmo Online

Post Comment