Guuldarrada Donald Trump: waxaa loogu daw-galay haweenka


kanNinkii guulaha isdaba-joogga gaarayey, Donald Trump, ayaa u muuqda mid laga hanjabay, ayna adag tahay in uu noqdo madaxweynaha soo socda ee dalka Maraykanka, Nofembar 2016.

Laakiin si taas loo gaaro, Xisbiga Dimoqoraadiga iyo Jamhuuriga, waxaa mid walba dhexdiisa socon doona loollan lagu kala harayo soo saarista musharraxa ugu tartami doona doorashada guud.

Isaga oo doonaya in uu noqdo qofka xisbiga Jamhuurigu caleemo-saarto, Donald Trump, oo ah maalqabeen weyn, wuxuu ku dhawaaqay in uu murashax yahay, wuxuuna galay olole (Campaign) gilgilay Xisbiga Jamhuuriga, dalka Maraykanka iyo guud ahaan dunida.

Waxaa lala yaabay xawaaraha uu ku socdo iyo tirada codadka ah ee uu ka helayey badi gobollada musharaxiinta Xisbiga Jamhuurigu isku soo bandhigayeen, loona codaynayey!

Nin leh waxaan gidaar kala dhex dhigayaa dalka Mexico iyo USA; nin leh; “Muslimka waxaan u diidayaa in ay soo galaan Maraykan”. Nin leh; waxaan dalka ka saarayaa malaayiin qaxootii ah” . Nin leh; waxaan ka baxayaa Nato, waxaana adeegsanayaa hubka wax gumaada!”.

Isagoo waxaas oo dhan iyo kuwo kaloo lala yaabay, ku doodayey ololaha doorashadiisa, haddana Donald Trump, wuxuu soo hoynayey guulo, ilaa toddobaadkii la soo dhaafay; markii uu isku taabtay haweenka iyo xaalkooda!

Wuxuu difaacay nin madax u ahaa ololaha doorashadiisa, oo u gacan-qaaday gabar weriye ah, ka dibna boolisku xiray. Wuxuu u gefay xaaska Ted Cruz, oo isaguna ka mid ah murashaxiinta Xisbiga Jamhuuriga.

Ugu dambeys, Mr Trump wuxuu jugtii ugu weyneyd isku dhuftay markii uu yiri: “Waa in la ciqaabo haweeneydii  iska soo ridda, uur ay leedahay, sameysa ‘abortion.”

Natiijadii arrimahaas oo isbiirsaday, waxay noqotay in Donald Trump soo hoobto, doorashadii dhacday 5tii bishan ee gobolka Wisconsin, waxaana ku guuleystay ninkii uu xaaskiisa caayey, waa Ted Cruz.

Kasmo Online

 

Post Comment