Warkii Ugu Dambeeyay ee Is-casilaadda Jawaari


Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta iscasilay kadib saddex toddobaad oo loolan siyaasadeed uu kala dhaxeeyey ra’iisul wasaare Xasan Kheyre.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa VOA u xaqiijiyey in Jawaari uu iscasilay.

“Guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa maanta horteena ku aqriyey warqadda iscasilaadda ee ka timid guddoomiye Jawaari” ayuu yiri Xuseen Carab.

Xuseen Carab ayaa sheegay in Jawaari uu qaatay talada madaxweye Farmaajo oo ahayd inuusan sii dheereyn ismarin waaga siyaasadeed.

Xildhibaano taaacsan Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa mooshin ka keenay Jawaari ayaga oo ku eedeeyey inuu jebiyey xeerarka baarlamanka.

Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya ayaa haysta laba toddobaad inuu ku doorto afhayeen cusub.

Warbixintan waxa Muqdisho ka soo diray Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.

voanews.com/clips/VSO/2018/04/09

Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiriirnay dhinaca xildhibaannada taabacsanaa guddoomiye Maxamed Cusmana Jawaari, waxayna noo sheegeen qaarkood inaysan xilligan ka hadlaynin isbeddellada siyaasadeed illaa ay kulan la yeesheen guddoomiyaha laftiisa.

Balse, dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise oo haatanna ka mid ah xildhibaannada mooshinka taageersan ayaa sheegay in iscasilaadda guddoomiye Jawaari ay markhaati ka ahaayeen siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka. Jaamac Buulle Jaamac ayuu uga warramay warqadda loo akhriyey.

voanews.com/clips/VSO/2018/04/09

Xigasho: VOA Somali

 

Post Comment