Wararka Darbiga muranka badan ee xadka USA-MEXICO


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu dhowaan amray dhismaha gidaar laga dhisayo xadka kala qaybiya Mexico iyo United States of America, wuxuuna ka dhabaynayaa ballanqaadkii ololihii doorashadiisa. Laakiin xaqiiqo ahaan kala qoqobka labada dal waxay soo bilaabatay muddo laga joogo 25 sano.

Wakhtiga xaadirka ah, 3 dalool oo 1 meel, waxaa ka jira jidgooyooyin nabadgalyo, dhagaxii u horreeyayna waxaa la dhigay sannadkii 1990kii, inta u dhaxaysa Tijuana iyo San Diego.

Marinka laga tillaabana waxay noqotay jidgooyo dhererkeedu yahay 20Km, taas oo lagu magacaabo “Darbigii Tortilla” ama “Darbigii ceebta” oo taxan Badwewynta Pacific-ga ilaa buuraha u dhexeeya 2da magaalo. Maanta si looga gudbo Tijuana ilaa San Diego, oo ah barta ugu adag xadka, waxaa la marayaa 3 jidgooyo.

Mashruuca dhabta ah ee loogu magacdaray “Operation Gatekeeper” waxaa sannadkii 1994kii bilaabay Madaxweyne Bill Clinton, kaas oo jidgooyada ka sokow, ka samaysnaa qalabka “Sensor-ka” ee dareema dhaqaaqa.

Isla markaasna leh habka ilayska maalinta iyo gudcurka, ciidan ilaalo ah oo wareega (Border Patrol), Qalcado wax laga ilaaliyo kuna xoogaysan Helikobtarrada dagaalka.

Sannadkii 1997kii waxaa kale oo loo qoondeeyay maaliyad gaar ahaaneed, iyada oo  miisaaniyadda Waaxda Socdaalka (Immigration & Naturalization Service) labajibbaar laga dhigay,  lana gaarsiiyay $800 oo Bilyan oo Dollar.

Dhismaha darbiga waxaa la dhammaystiray xilligii George W. Bush oo ku daahfuray sharci cusub oo lagu xakamaynayo soo-galootoga oo waagaas ka badnaa 1 malyuun oo dad ah sannadkiiba.

Kharajka darbigu wuxuu hadda marayaa $3 Bilyan oo Doolar

15kii Disembar 2005tii Senate-ka ayaa ansixiyay qorshe uu soo jeediyay Xildhibaanka Jamhuuriga ah Duncan Hunter oo lagu xoojinayo darbi dhererkiisu yahay 1,123 Km.

Ugu dambaystiina dib-u-habayn aqlabiyadda Senate-ku oggolaatay bishii May 2006dii waxaa lagu go’aamiyay in jidgooyooyinka dhererkoodu yahay 800km lagu kordhiyo darbi 595km ah, si gaadiidku usan uga soo gudbin.

Sida ku cad Filimka “Documentary-ga ah” ee “The Fence”, Maraykanka waxaa ilaa hadda uga baxday $3 Bilyan oo Dollar, dhismaha darbi dhererkiisu yahay 1,130km oo laga taagayo xad dhererkiisu yahay 3,200Km. Waxaana laga yaabaa, 20ka sano ee soo socota in ay uga bixi doonto, dayactirkiisa oo qur ah, adduun gaaraya $7 Bilyan oo Dollar.

Dhaqaalaha intaas le’eg, oo dhaleecayn badani uga timid wax kaqabasha la’aanta qulqulka dadka iyo daroogada ka sokow, wuxuu la yimid dhibaatooyin deegaan iyo mid aadane intaba.

Darbigu intiisa badan wuxuu ka dhisanyahay magaalooyinka la degganyahay oo tillaabista dadku ku badantahay, sida San Diego, Mexicali-Calexico, New Mexico, iyo kuwo kale, iyada oo qoysas idil oo kala qaybsamay ka sheekaystaan 2da dhan ee darbiga.

Sababtaas oo soo-galootiga sharci-darrada ah ku khasabtay in ay u sii durkaan dhulka lama dagaanka ah ee Arizona, oo sida ay qabaan Ururrada Xuquuqda Rayidka, keentay geerida 10,000 oo dad ah, 20 sano gudahood.

Darbiga uu hadda ku fakarayo Donald Trump jooggiisu wuxuu noqon karaa 17 mitir, lacagta ku baxaysana waxay u dhexaysaa $ 12 ilaa $15 Bilyan oo Dollar, waana in xisaabta lagu daro in Mexico diidday in ay wax ka bixiso, taas oo khilaafsan waxa Trump sheegayo.

Jose’ Arturo Santacruz Diaz oo ah Cilmi-baare Xarunta “North American Study Center” ayaa qaba in himilada Trump kakin doonaan culayso  dhaqaale, bulsho, Warbaahin iyo Ururrada Xuquuqda Rayidka. Iyo waliba Congress-ka, Dowladaha Koofurta oo hawl-gacmeedka  inta badan qabtaan soo-galootiga, magaalooyinka dadka sharcidarrada ah ku badbaadiya xeerar gaar ah.

Intaas oo la isu geeyay, ayuu yiri Diaz, siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump waxay ku sigan doonaan in ay gidaar madaxa ku dhuftaan.

Akhri sheeko la xiriirta:

Mexico oo qaaddacaysa badeecadaha ka soo jeeda Maraykanka

Kasmo Online

 

 

Post Comment