UK oo ka baxday Midowga Yurub: Aftidii 23ka Juun 2016


UK leavesEUShalay waxay ahayd maalin Afti, xalayna waxay ahayd hurdo la’aan iyo welwel waxa natiijadu noqon doonto. Haddase, waa argagax ama farxad, iyadoo London waagii u beryey, mise “UK” waxaa dibedda laga dhigay Midowga Yurub!

Natiijadii Aftida ayaa codadkii la tiriyey sidaas noqotay:

Ku jiris (Remain): 16,141,241 (48.11%);  Ka bixid (Leave): 17,410,742 (51.89%).

Go’aanka Aftida waa weyn yahay saameyntiisu, waxaana saaka la soo toosay iyadoo qiimaha Giniga Ingiriiska 10% ka hooseeyo. Weliba la sii la filayaa in suuqyada lacagta iyo saamiyada London iyo kuwa dunida kaleba duufaani ruxi doonto, saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Nigel Farage iyo Xisbigiisa UKIP (Sawirka kore) ayey maanta guul gaar ah u tahay, wuxuuna ku dhawaaqay in 23ka Juun tahay maalintii Madaxbanaanida UK, wuxuuna ku baaqay in uu iscasilo David Cameron.

David iyo XaaskiisaGo’aanka Aftida looga baxay Midowga Yurub  wuxuu kaloo la imaan doono duufaan siyaasadeed ee ruxda Xaafadda West Minister iyo Aqalka 10 Downing Street.

Waxaa la sugayaa in Ra’iisal Wasaare David Cameron uu ummadda la hadlo iyo waxa mustaqbalkiisa siyaasadeed yahay. Isaga ayuu ahaa ninkii dalka geliyey Aftida loo galay ka bixitaanka Midowga Yurub, waana laga baxay!

Akhri sheekooyin  la xiriirta:

1-/aftida-uk-23ka-juun-maanta-iyo-midowga-yurub/

2- spain-oo-damac-ka-hayo-gibriltar-haddii-britain-yurub-ka-baxdo/

3-/hoggaamiyayaasha-m-yurub-iyo-david-cameron-oo-heshiis-gaareyisku-raacay/

Kasmo Online

 

Post Comment