Suuriya: Turkiga oo saldhiggii Militari ee u horreeyay ka furanaya Aleppo


London (Kasmo), Turkiya ayaa soo dhammaystirtay qorshihii dhismaha Saldhiggii Militari ee u horreeyay oo ay ku yeelanayso magaalada Aleppo ee woqooyiga Suuriya.

Warbaahin ku dhow Rejiimka Suuriya ayaa Arbacadii, 1dii Nofember, shaacisay in dhismaha Saldhiggaas ee dusha buurta “Jabal Skeihk Barakat” la sooo gabagabayn doono maalmaha soo socda.

Goobta uu ku yaallo oo Istrateeji ah kuna dhow tuulada “Dar al-Izzah”, galbeedka Aleppo, waxaa laga ilaalin karaa jiidda magaalooyinka Idlib iyo Afrin.

Waa midkii ugu horreeyay 8 Saldhig oo Ciidammada Turkiya ku yeelanayaan gudaha Suuriya, si dusha looga eego Heshiiskii xabbad-joojinta ee lagu gaaray Caasimadda Kazakistan, Astana.

Wareeggii 6aad ee wadahadalladii Astana ee socday 14-15kii September 2017, Russiya, Turkiya iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay in gudaha Suuriya laga abuuro aagag  maran “Buffer Zones”, si kooxaha Kurdiga loogu diido helitaanka wadiiqooyin dhexmara Suuriya oo taga badda Dhexe.

Heshiiska waxaa kale oo ka mid ah, in sidoo kale, ciidammada Russiya ka hawlgalaan sugidda nabadgalyada wixii dibadda ka ah maamulka Gobolka, gudahana loo daayo Turkiga.

Kasmo Online

 

Post Comment