Suuriya: Raqqa oo gacanta u gashay Maleeshiyo Maraykanku taageero


London (Kasmo), Wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya in ay dhacday Raqqa, Caasimaddii hore ee Ururka Daacish, ka dib dagaallo xooggan oo socday laga soo bilaabo Nofembar 2016kii.

Ururka “Syrian Observatory for Human Rights” ee dusha kala socda Suuriya ayaa xaqiijinaya in Maleeshaiyaadka SDF (Syrian Democratic Forces) ee gacansaarka la leh Maraykanka ka taageen calankoodii gudaha Istadiumka, halkii u dambaysay oo ku harsanayd  gacanta Daacish.

Boqollaal Jihaadiga Daacish ah iyo kumankun rayid ah ayaa Axaddii laga daadgureeyay Raqqa, ka dib heshiis dhexmaray Xoogagga SDF iyo Daacish oo madaxda qabaa’ilku dhexdhexaadiyeen.

Xoogagga SDF oo ka kooban qowmiyado kala duwan waxay u badanyihiin Kurdiga YPG, waxayna gacansaar la leeyihiin Maraykanka iyo xulufadiisa caalamiga ah, kuwaas oo 2dii maalmood e u dhambeeyay dagaal kula jiray Daacish oo ay xoojinayeen dagaalyahanno shisheeye, “Foreign Fighters” oo fara badan.

Kasmo Online

Post Comment