Suuriya: Putin oo la kulmay Assad iyo Russiya oo ciidankeeda la baxaysa


London (Kasmo), Madaxweynaha Russiya, Vladimir Putin, ayaa booqasho kadis ah ku tagay saaka Saldhigga Khmeimim ee Ciidammada Cirka Ruushku ku leeyihiin dalka Suuriya, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Bashar Al-Assad.

Madaxweynuhu wuxuu kale oo halkaas kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Russiya, Serghiei Shoigu, wuxuuna amray sidii loo bilaabi lahaa ka-bixitaanka Ciidankiisa ee Suuriya.

“2dii sano ee u dambaysay, Ciidammada Russiya iyo kuwa Suuriya waxay jabiyeen dagaalyahannadii ugu adkaa argagixisada Caalamiga ah, sidaa dareteed waxaan go’aamiyay, qayb weyn oo ka mid ah Ciidankii Ruushka ee la safnaa Suuriya, in ay dib ugu laabtaan dalkii” ayuu yiri Putin.

Wararku waxay intaa ku darayaan in safarka Madaxweyne Putin ku wajahanyahay dhanka Qaahira, dalka Masar, fiidnimadana ku beeganyahay Ankara, dalka Turkiya.

Kasmo Online

 

Post Comment