Sudan: Maraykanka oo ka qaadaya cunaqabatayntii dheereyd


London (Kasmo), Maamulka Maraykanka ayaa lagu wadaa in uu ka qaado dalka Sudan cunaqabatayntii la saaray sannadkii 1997kii ee dhinaca Ganacsiga iyo Maaliyadda, taas o jawaab u noqonaysa horumarka ay ka gaartay dhanka xuquuqda iyo dagaalka argagixisada.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa go’aanka Washington ku tilmaamaysa mid keenaya isbeddel weyn, oo muddo 20 sano ah ka dib, ku dhici doona xiriirka labada dal.

Waxaa kale oo uu noqonayaa isbeddel ku dhaca mowqifkii Maraykanku ka taagnaa Xukuumadda Cumar Xasan Al-Bashiir oo horey ugu eedeysnaa martigalintii Osama Bin Laden iyo xasuuqii Darfuur ee Maxkamadda Caalamiga ah.

Tillaabadu waxay soo afjari doontaa go’doonkii dhanka Ganacsiga, xayiraaddii hantida dalka iyo shakhsiyaadka, taas oo meesha ka saari doonta ciriiriga maaliyadeed ee ku hareereysan dhaqaalaha iyo horumarka dalka..

Sudan waxay wali ku sii jiri doontaa Liiska Maraykanku taxay ee dalalka maalgaliya argagixisada, waxayna sii waayi doontaa ruqsadda ganacsiga hubka iyo deeqha dhaqaale ee Maraykanka.

Sidaas oo ay tahay, go’aanka Washington wuxuu astaan cad u noqonayaa sida Maraykanku u aqoonsanayo horumarka Sudan ka samaysay hirgalinta codsiyadii iskaashiga dagaalka argagixisada iyo xallinta khilaafaadka gudaha.

Wasiiru Dowlaha  Arrimaha Dibadda Sudan, Hamad Momtaz, ayaa Arbacadii, 4tii Kotoobar, caddeeyay in dalkiisu fuliyay dhammaan shuruudihii “Road-Map”-ka, Maraykankuna ka yahay marqaati, sidaa darteedna rajaynayo in cunaqabataynta laga qaado.

Cunaqabataynta waxaa horey u khafiifiyay Madaxweynihii hore, Barack Obama, ha yeeshee Donald Trump ayaa bishii July go’aamiyay in gabi ahaanba la qaadi doono 12ka Oktoobar.

Ururrada Xuquuqda ayaa go’aanka qaadista cunaqabataynta ka muujinaya walaac, una haysta tillaabo an wakhtigeedii la gaarin, waxayna la tahay in Sudan wali ka samayn wax horumar ah dhinaca  Xuquuqda Aadanaha.

Kasmo Online

Post Comment