Sub-Saharan Africa: 40% dadweynaha oo diyaar u ah in ay haajiraan (Daraasad cusub)


London (Kasmo), Tiradu waa mid qaylodhaan xambaarsan, waxayna muujinaysaa sida ifafaalaha muhaajiriinta Afrika, xaqiiqada siyaasad-dhuleedka (Geopolitics) uga yahay ahmiyadda 2aad oo qur ah.

Sida ay qabto Daraasad cusub oo laga sameeyay ‘Pew Research Center’ 40% dadweynaha dalalka Saxaraha ka hooseeya, ‘Sub-Sahara’ waxay diyaar u yihiin in ay haajiraan. Dal qur ah,marka loo eego intooda kale ee uu khuseeyo baaritaanka Machadkaas Maraykanka ah, waa Nigeria e, waxaa laga garan karaa waxa dunida ku soo fool leh.

74% dadkii waraysiga Pew Center laga qaaday (waxa laga hadlayaa dal 181 malyuun ku nooshahay, lehna taran 5,6 ilmood naagtiiba, xogta World Bank), waxay sheegeen ‘in ay jeclaan lahaayeen in ay dal kale ku noolaadaan’. Halka 38% dadkaas Nigerian-ka ah ku jawaabeen ‘in ay qorshaynayaan sidii ay u haajiri lahaayeen 5ta sano ee soo socota gudahooda’.

Muhaajiriintii, laga soo bilaabo 2017kii, soo maray badda ‘Mediterranean Sea’, reer Nigeria waxay ka noqdeen kooxda 2aad ee ugu tirada badan, reer Suuriya ka dib.

Mana ahan dhibaato Nigeria oo qur ah ku kooban; baaritaanka 2017kii laga sameeyay 10ka dal ee Sub-Sahara ugu hijrada badan, wuxuu muujinayaa boqolley kale oo muwaadiniin, 5ta sano ee soo socota,  dibadda in ay u ndhoofaan diyaar u ah.

Dadweynaha Senegal waa 44%, Ghana 42%, Kenya 19%, iyada oo reer Senegal yihiin kuwa qur ah ee Yurub uga xilanaya marka la eego Maraykanka. Dadweyne idil oo diyaar u ah in ay haajiraan oo matalaya qulqul ilaa hadda isaga nagaa Qaaradda Afrika gudaheeda.

Sida ku qoran Warbixin dhow oo FAO, 75% dadka Afrikada Sub-Sahara ee sannadkii 2017 dalalkooda ka soo tagay waxay wali ku suganyihiin qaaradda, taasina waxay  calaamad u tahay sida qulqulka soo galay Yurub u yahay oo qur ah qayb aad u yar.

Kuwaas oo, sida Daraasadda Pew ku cad 72% ku urursanyihiin 4 dal oo qur ah: Britain (1,27 malyuun), Fransa (980,000), Italy (370,000) iyo Portugal (360,000).

Ifafaalahaan waxaa sii dheer midka kororsiimada dadweynaha dalalkaas oo ayan daba socon abuuritaan fursado shaqo, caado dhaqan noqotay oo ka dhigaysa hijrada fursadda qur ah ee aayatiin ka duwan saboolnimada ama dunuubta oo hubaashii quudinaysa ururrada ku hawlan tahriibka.

War iyo dhammaantiis, qiyaastii 220 malyuun oo dhallinyaro aqoon aan lahayn kuna nool dhulalka miyiga ah ee caalamka ayaa da’da shaqada gaari doona 15ka sano ee soo socota.

Haddii aan loo abuurin shaqooyin, dhaqaalaha dal kastana lagu fariisinnin was soosaar iyo suuqyo cusub (Diversification of the economies), dunidu waxay goobjoog u noqon doontaa boqollaal malyuun oo qarka u saran in ay Afrika ka haajiraan.

Kasmo Online

Post Comment