Soomaaliya oo weyday shakhsiyad weyn ‘Geerida Sooraan’


Cabdillaahi Sooraan
Cabdillaahi Sooraan

Alle u naxariistii, waxaa geeriyooda hoggaamiye weyn, xiddig ka mid ahaa fanaaniintii waaweyneyd ee Soomaaliya, waa Cabdillaahi Diiriye Cali ‘Cabdillaahi Sooraan’ .

Dhambaalka soo qaaday in Cabdillaahi Sooraan geeriyooday, oo aan dib dambe ifka loogu arki doonin, kama duwana khabarkii noo soo gudbiyey Geeridii Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, ama kii soo soo gudbiyey Cabdillaahi Qarshe, ama kuwii noola soo degdegay sheegista geerida Cabdi Muxumad Amiin ama Xasan Sheekh Muumin, Xuseen Aw-Faarax ama Faadumo Qaasim iyo Maryan Cali Muuddeey, ama Maxamed Axmed Kuluc, Axmed Sheekh Jaamac, Maxamed Cali Kaariye, Maxamuud Tukaale, Cabdille Raage, Prof Axmed Nuur Yuusuf ….. iyo qaar kaloo ka sii horreeyey.

Godkaas aakharo oo qof galay uusan dib u soo noqon, ayaa maantana la inooga naxsaday in Cabdillaahi Sooraan la geliyey, ka dib markii in muddo ah uu dhulyaal ahaa, isbitaal ku yaal magaalada Hargeysa. Halkaas oo shalay, bishu ahayd 22 Luulyo 2015, lagu aasay qubuuraha dhinaca koofureed ee magaalada Hargeysa.

Cabdilaahi Sooraan, Eebbe ha janeeyee, wuxuu dhintay isagoo fankii ka haray, una weecday xagga Masjidka, wuxuuna noqday Sheekh wax wacdiya…

Mid ka mid ah Cododkiisii ruuxa dhaqaajinayey:

http://masuul.com/hees/a/abdullahi-diiriye-sooraan_berisamaad.html

Samir iyo iimaan.

Wargeyska Kasmo

Post Comment