Soomaaliya: Miyir iyo dan!


Muqdisho (Kasmo), Waxaan joogaa Soomaaliya, oo arrinta ugu war-tebinta badani maalmahan tahay Qalbi-dhagax iyo ONLF.

Iyaga gadaal ayaan uga hadli doonaa, waxaana ku hormari Muqdisho oo aan ku sugnahay muddo bilooyin ah. Halkan, inkastoo danta aan u soo gaaray ay ahayd hawl buug aan diyaarintiisa ku jiro, haddana Muqdisho xiiso gaar ah ayey ii leedahay.

Waxay ahayd meeshii aan ku soo barbaaray, kuna soo qaatay noloshayda qaybtii ugu firfircoonayd: dhallinyaranimadii, haddase waxaan ka mid ahay odayaasha beel cusub oo dhowaan Soomaalida ku soo biirtay. Waa beesha qurbo-joogta, ka sii ahay  Britain, Jifada London.

Nacam! Waxaan ka mid ahay jifadaas Laandheeraha ah, waxaana safarkaygani yahay kii 2aad oo aan Soomaaliya ku imaado muddo ka badan rubuc qarni. Socodkii kan ka horreeyey, waxaan waddanka imid 2014, kolkan dambana waxaan soo gaaray iyadoo xaalku sidii hore ka duwan yahay.

Dareenku cirkaas ayuu marayey, waxaana saaxiibbo iwarsaday sababta aan u imid, u sheeggay in aan ka mid ahay raca labaad (2nd wave) ee ‘Ar Farmaajo ii geeya’.

Racii koowaad waxaa hoggaaminayey wiilka reer Jawhar ee isagu keenay weedha “Ar Farmaajo ii geeya”, waana loo geeyey, wax dhex marayba!  Aniga laftayda waa la ii geeyey, oo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ila kulansiiyey Madaxweynaha, maalintii bisha Febraayo ahayd 26, 2017.

Maalmahaas, dabaaldegayo iyo xaflado waaweyn ayaa meelo badan ka dhacayey, lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha la doortay. Reer London laftoodu kama ayan maqnayn dabaysha saaqday Soomaali, meel ay joogtayba. Sidaas darteedna waxaa kulan isugu yimid xubno ka socday Jaaliyadda Soomaalida London si ay u abaabushaan xafladdooda.

Hase ahaatee, ikhyaarta isu timid waxay ka qaadatay saacado badan in ay talo isla helaan. Weliba waayeelka qaarkood ayaa hadba kacayey, oo caro muujinayey, waqtiguna waa sii dheeraanayey.

Waxay gaartay goor dambe oo habeen ah, ka dibna waxaa goobtii soo gashay gabar aad u da’yar – aan filayo in ayan ka weynayn 20 sano, waxayna cod nool, xayi ah ku tiri; “Caawo oo dhan waan idin sugaynay in aad go’aan gaartaan. Wallaahi in aanaan idinka yeelayn in aad burburisaan iftiinkaan noo soo baxay”, waxaana ay sii raacisay; “Waan ilaashanaynaa ukuntayada”.

In dhallinyaradu ay isbeddelkan si gaar ah u tirsanayaan, habeenkaas ayaan ogaaday, waxaana  xafladdii oo dhan lagu wareejiyey, in ay maamulaan, urur dhallinyaro oo lagu magacaabo ATM (Anti-tribalism Movement), sidaas darteedna Jaalliyadda reer London waxaa u dhacday xaflad lala ashqaraaray!

Dhallinyaradu, dunida oo idil, iyagaa ah xoogga wax beddela, waxaana muuqanaya in 30 sano oo dagaal sakooye iyo burbur dhammaystiran loo geystay dalkooda, haddana waayahaas foosha xumi waa wiiqi waayeen hanka, dareenka iyo waddaniyadda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxayna guusha Farmaajo u arkayaan mid ay iyagu leeyihiin.

Caddaymaha la soo qaadan karo waa badan yihiin – muuqaalladii, doodihii iyo banaanbaxyadii da’yartu is-qabsatay. Waxaa ka mid ahaa tan wiilkii 13-jirkii ahaa ee hoggaaminayey banaanbixii taageerada Farmaajo ee Garoowe. Waxaan kaloo laga ilduufi karin in la xuso qoddo-dheerida iyo bisaylka erayada gabadhii u jawaabaysey haweeney iyada aad uga weyneyd ee uu dhalay General Salaad Gabayre (AHN).

Waxaan kaloo la ashqaraaray wiil reer Burco ah oo Jarmalka ka soo geshay Video clip. Waxaan kaloo la asharaaray dareenka iyo aragtida “Dhambaalkii Hargeysa” ee uu Negeeye kula hadlayey Madaxweyne Farmaajo.

Marka aan dib u milicsado khudbadaha, doodaha, suugaanta, banaanbaxyada iyo xafladaha, ifafaalaha (Farmaajo phenomenon) waxaan u arkaa mid aad uga qoddo-dheer isaga imaanshihiisa.

Waxaan u arkaa in ay halkan ku jirto sabab iyo natiijo (Cause and effect), oo isagu sababtii noqday, laakiin effect-gu yahay mid aad uga ballaaran qof madax ah oo yimid, tegina doona. Taariikhda adduunyadana waa badan yihiin, xumaan iyo samaan, dhacdo yar, oo wax weyn gadaal ku wadata…

Hase ahaatee waxa loo baahan yahay in la hanto waa tan dambe, waa saameynta iyo dareenka keenay in ay isku mar kacaan malaayiin Soomaali ah. Weliba dhallinyarada oo ah kuwii ugu badnaa ee la dhaxalsiiyey, iyagoo carruur ah, 30 sano oo burbur, colaad sokeeye iyo gunnimo ah.

Soo kiciddaas iyo baraarugga qarameed ee la socda ayaa mudan in loo feejignaado. ahamiyadna loo yeesho.

Qalbi-dhagax iyo ONLF “Argagixiso”

Intii u dhexaysey 23-28kii Agoosto, waa markii la qabtay Cabdikariim Sheek Muuse, loona gacan-geliyey Itoobiya. Taasi waa in 5 beri gudahood, Qalbi-dhagax la isaga tilaabiyey Garoonada Gaalkacyo, Muqdisho, Baydhabo iyo Addis Ababa!

Qalbi-dhagax ka hor, in kastoo dhibaatooyin jireen, haddana hoggaanka cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Khayre, muddada kooban ee ay jirto, waxaa muuqanaya horumar isa soo taraya, siiba magaalada Caasimadda ah. Waxaa jira hami in wax la qabto, waayaha dalkana wax laga beddelo.

Arrimaha sida muuqata loo soo qaadan karo, bilowna ah, waxaa ka mid ah:-

  1. Dhacii ku socday hantida dawladda oo yaraaday ama joogsaday.
  2.   Mushaarkii shaqaalaha, askarta iyo siyaasiyiinta oo joogto loo helo (Arrintani waxay ka dhigan tahay mucjiso qoladani la timid! Laakiin dal kale mucjiso ayey noqon lahayd in ay sheegtaan ‘mushaar’ ay siiyaan shaqaalahooda!).
  3. Arrinta kale oo hoggaaanka Farmaajo sheegan karo waa in isaga iyo Ra’iissal Wasaaraha ayan dhex oolin khilaaf (Iyada lafteedu mucjiso ayey noqon lahayd haddii dal aan Soomaaliya ahayn sheegan lahaa khilaaf la’aanta madaxdoodu in ay ku tirsan tahay waxqabad!)
  4. Mucjiso kale waa in ay joogsatay maamulladii Soomaalida ee Addis Ababa qiblada u ahayd, oo ay muuqato in ay hadda salka dhulka la heleen!

Dal ay arrimahaas – afartaas qodob – mucjiso ka yihiin, in ayan wax laga calool xumaado dhicin, waxay noqon lahayd “Mucjiso!”, waana dhacday, oo weliba soo degdegtay! Waa dhiibistii Qalibi-dhagax iyo ONLF oo argagixiso lagu sheegay!

Labaduba waa haadaan siyaasadeed (Political abyss) ay ku dhacday dawladda Soomaaliyeed, oo waa mare, magacii iyo hankii weynaa ayaa dhaawac gaaray. Waa marka xigee, haddii ONLF tahay urur argagixiso iyo haddii Cabdikariim Sheekh Muuse ahaa dambiile, gudaha Soomaaliya ama Itoobiya. Labada kolba maxkamad ayey ahayd in ay gaarto.

Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaa xilkoodu ahaa in ay xaqiijiyaan in dalkani noqdo mid loo hoggaansamo sharciga.

Garwaaqsi iyo Wax ka barasho

Arrinta dhacday, hubaal waxay taabatay malaayiin Soomaali ah. Isla markaas, dhinaca kale, waxaa loo baahan yahay in la kaashado miyir iyo xigmad; oo tan koowaade, xukuumadda aan loo ciqaabin arrintaas darteed, bulshaduna ayan lumin kalsoonidii iyo taageeradii ay u hayeen Xukuumadda iyo Madaxweyne Farmaajo.

Waa Tan labaade, Xukuumaaddu waa in ay cashar ka barato, dibna ayan uga dhicin arrimahan oo kale, iyo in lala xisaabtamo, haddii ay jiraan cid si gaar ah ugu lug-lahayd falkan, tillaabana laga qaado.

C/qaadir Shire Faarax,

Tifaftiraha Wargeyska Kasmo

 

Post Comment