Soomaaliya: 17 askari oo ku dhimatay weerar lagu qaaday Dugsiga Boliiska Muqdisho


London (Kasmo), Wararkii u dambeeyay weerarkii  Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 17askari oo Boliis ah ku dhinteen, 15 kalena ku dhaawacmeen, weerar argagixiso oo uu fuliyay qof soo xirtay direyska Ciidanka, iskuna qarxiyay gudaha Dugsiga Tababarka Boliiska ee Jeneral Kahiye, saaka oo Khamiis ah, 14 Disember 2017.

Taliye ku-xigeenka Boliiska oo sii haya xilkii Taliyaha, Jeneral Mukhtar Xuseen Afrax oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha, ayaa sheegay in Ciidanka la weeraray xilli ay ku jireen diyaargarowga Xuska sannadguuradii Boliiska oo ku beegan 20ka Disembar.

Xeeladaha isu ekeynta ciidanka waxay ka mid tahay qaababka argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, adeegsato, iyaga oo isticmaalaya dirays iyo gaadiid ciidammada horey looga xaday ama looga qabsaday.

Bishii April ee sannadkaan 2017, qof isa soo miidaamiyay oo dirayska Ciidammada xiran ayaa weerar ku dilay 5 askari, qaar kalena ku dhaawacay gudaha Xerada tababarka Militariga ee ku taalla Warshaddii hore ee Nacnaca, daafaha Muqdisho.

Ururka argagixisada Al-Shabaab oo soo shaac baxay sannadkii 2006 wiuxuu dagaal joogto ah kula jiraa Xukuumadda tabarta yar, Caalamkuna aqoonsanyahay ee Soomaaliya.

In kasta oo ayan rasmi ahaan u sheegan, weerarkii ugu xumaa ee Al-Shabaab wuxuu ahaa midkii 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay Km 5 ee magaalada  Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen tiro rayid ah oo ka badan 500 oo qofood.

Kasmo Online

Post Comment