Shiina: “Fuxing”, Tariinka ugu dheereeya uguna casrisan Dunida (Video)


London (Kasmo), Dalka Shiina waxaa shalay, 21kii September 2017, laga daahfuray Tariinka ugu dheereeya  Dunida  oo ka hawlgali doona khadka xawaaraha sare ee isku xira magaalooyinka Peking iyo Shanghai.

Magaciisu waa “Fuxing”, wuxuuna u samaysanyahay sida gumuca rasaasta,  xawaarihiisuna wuxuu gaarayaa 350 Km/saacaddii, wakhtiga socodka 2da magaalana ka dhigaya 4,30 saac, halkii uu ka ahaa 5 saacadood.

Fuxung waa Tariinka ugu  casrisan  oo raaxo badan,  wuxuuna leeyahay adeegga “Wi-fi” oo bilaasha ah, irdaha USB iyo nafis wanaagsan oo kuraasta u dhexeeya, wuxuuna shaqayn karaa ilaa 30 sano oo xariir ah.

Wuxuu kale oo leeyahay in ka badan 2,500 aaladaha wax akhriya “Sensors” oo 500 dheer noocyadii ka horreeyay, kuwaas oo awooda in ay qaybihiisa ka soo ururiyaan 1,500 oo warar ah isla marka ay dhacayaan.

Sida haddii cilladi gasho hannaanka qaboojinta ama joogsiga (Brakes) oo dhawaaq qaylodhaan ah ridaya, haddii loo baahdana Tariinkan oo idil joojin karaya, iyo farsamooyin kale oo fara badan.

Kasmo Online

Post Comment