Shandadihii Kooxda Team GB ee Rio 2016 oo lagu wareeray


3Kooxdii Britain uga qaybgashay Olimbikadii Rio 2016 ee “Team GB” ayaa malintii Talaadada,23kii Agosto,dib ugu soo laabatay dalkooda,iyaga oo la soo galay garoonka Heathrow,67 billadood iyo 900 oo shandadood.

Laakiin shandadaha oo dhammaantood isu ekaa,isku midab casaan ah,waxay ku dhaliyeen shaki badan cayaartooyda,sidii qof qaliba uga garan lahaa goobta shandaddiisii.

Sidaa darteed,sawirro maad ah oo ay iska qaadeen (Selfie) ayay qaarkood soo dhigeen barahooda bulshada.Xoogaa jahwareer ah ka dib,ugu dambaystii,qof kasta waxaa u suuragashay in uu shandaddiisii helo isaga oo faraxsan.

Kasmo Online

Post Comment