Sanad-guuradii 57aad ee Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed


 Waxaa maanta faraxad iyo reyn reyn ii ah in halkani hambalyo iyo boogaadinba iyo salaam kal iyo laab ah uga  soo gudbiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool shanta qaaradood ee adduunka. Sida la wada ogsoon yahay maanta oo ah 57 guuraddii Madaxbannaanida  Soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii gobolada koonfur  ahna maalinta israaca labada gobol .

Waxaa  xusid mudan maanta oo ah maalin weyn oo taariikhi ah   qiimo iyo qadarin ba  ugu fadhido shacabka soomaalyeed,waa maalin duco  iyo abaal ba mudan, waa maalintii calankeena la taagay kii gumeysigana la siibay, runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin , in kastoo ay jiraan kala go’ baaxad weyn oo dhabarjab ku ah himilooyinkii ummadda Soomaaliyeed oo ahaa (Pansomalism).

Waxaan Ilaahay  ugu baryeenaa dhamaan geesiyadii naf iyo maalba u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysanno  inuu  Eebbe u naxriista oo jannadiisa  fardoosa ahaydna  ka waraabiyo , inta noolna waxaanu Ilaahay  ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka Soomaaliyeed na dhibaatada ku habsatay inuu Ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo .

Runtii dad fara badan baa u soo halgamay oo naftooda qaaliga ah u soo huray xornimada oo aan maanta haysano iyo calanka sharafta leh oo muujinaya haybadda iyo sharafta qaranimo ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed u leeyahay, waxaa dhab ah in xornimada ay ku timid dhiigii shacabka Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray {Gobanimadu waa geed ku baxa dhiiga dadweynaha}.

Gobanimada waxaa lagu keenay halgan wada jira iyo midnimo wadaniyad xambaarsan , waxaa nasiib daro iyo muruga ba ku ah shacabka Soomaaliyeed  in mirihii gobanimadoonka ay ku burburaan gacan Soomaaliyeed oo nabad diid ah.

Waxaa maanta muuqta ifafaalo weyn oo ah in dib looga soo kabanaayo dhibaatooyinkii laga soo maray dagaalkii sokeeye ee qabiliga ahaa waxaan shacabka soomaaliyeed uu gaaray biseyl xagga siyaasadda iyo arrimaha bulshada taasi waxaa tusaale cad u ah doorashadii ugu dambeysay oo si xalaal ah lagu soo doortay Madaxweynaha cusub mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku yimid rabitaan shacab. Waxaan maamulka cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre an kula talin lahaa in ay ka shaqeeyaan sidii dib u heshiisiin dhab ah loo gaari lahaa waxaanan kula dardaarmi lahaa in guddi farsamo oo waxgarad ah oo loo xulo si looga baxo colaadda iyo kala go’a ummadda Soomaaliyeed.

Midnimada waa arrin muhiim ah oo ku dhisan haybadda Qaranimada soomaaliyeed “Midnimadu waa awood iyo sharaf kala tagguna waa burbur iyo dullinimo”, sidaasi darteed xukuumadu waa in ay awoodeeda oo idil   isugu geyso sidii loo heli lahaa dib u heshiisiin dhab ah oo looga baxo shakiga kala dhaxgalay shacabka walaalaha ah.  haddii aad ku guuleysataan waxaa idin xusi doontaa taariikhda sida maanta ba loo xuso dhallinyaradii Gobannimada keenay .

Haddii aan si kooban u xuso June 26, 1960kii xorriyadda gobollada Waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii Gobollada koonfur ahna maalinta israaca labada gobol, waa maalin weyn oo taariikhi ah, qiimo iyo qaddarinba ugu fadhido ummadda soomaalyeed, waa maalin xusid mudan runtii waa maalin aan la ilaabi karin, waa maalintii calankeenna Buluugga ah la taagay waana maalinta gunnimada aynu ka baxnay.

Sidaasi darteed waxaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda ba ku boorinayaa in ay xusaan meel kasta oo ay joogaan, maxaa yeelay caruurta maanta ku dhallatay dibadaha ama ku soo barbaaray fikrad kama haystaan qiimaha weyn ee ay maalintaani ku fadhido waa arrin muhiim ah oo loo baahan yahay in lagu baraarugo.

1da Luuliyo waa maalin xusuus weyn ku leh dhamaan ummadda soomaaliyeed runtii xornimada ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan culus ayaa loo soo galay runtii dad badan ayaa dhiigooda u soo huray sidaasi darteed waxay naga mudan yihiin dadkii naftooda u soo huray in aan xusno una duceyno, xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu haysano.

Shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii gobolada waqooyi 1946dii in ay Ingiriiska ka codsadeen in Soomaaliya uu mideeyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta Soomaaliyeed.

Sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ayey u jeediyeen ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in Soomaali mideysan la helo oo ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka kooban soomaali weyn.

Qoraalkii Uurdoox u gudbiyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimadooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed

Haddii aan si kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi karin qoraalkani balse waxaan jaclahay in aan wax yar ka xuso :-

a).  Bishii September 1949kii, Qarammada Midoobay shirweynii ay yeesheen waxay go’aansadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeed Dawladda Talyaaniga, iyadoo 4tii dawladood oo ahaa kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka in muddo 10 sano ah la gaarsiiyo xornimo .

b). Bishi April 1da Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.

c). 12KII Oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo calan,kaasoo noociisa ahaa bulug oo dhexda kaga taal xiddig cad oo shan geesood leh, oo micno weyn ku fadhiday , macnaheeduna yahay shanta SOOMAALIYEED oo 1884tii shirweynihii Berlin lagu qaybsaday.

d). 1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii Golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray Golaha sharci dejinta.

kh). 29kii April 1957dii waxaa la qabtay doorashooyinkii siyasadda lagana soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goobnaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamayey.

SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan .

e). 7dii Maajo 1957dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 5 wasiir.

f). 1959kii CABDULAHI CIISE wuxuu soo dhisay Dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir .

g). 12 April 1960kii waxaa la dhisay ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafici lahaa haddii cadaw ku soo gardaroodo ama ku soo duulo “.

h). 1da Luuliyo 1960kii waxay ahayd maalintii xurnimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .

Shirkii ugu horreeyey ee Barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay Madaxweynihii ugu horeyey ee dalku yeesho oo ahaa  Allaha ha u naxriistee, Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke .

Sannadkii 1964tii waxaa Dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein .

Bishii June 1967dii waxaa Madaxweyne loo doortay Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare, Allaha ha u naxriistee,  Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad .

Nasiib darro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood Madaxweynihii dalka, Dr.  Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi .

Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka (Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed) oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Barre.

Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party).

Dawladdii dhexe waxay burburtay 26kii Janaayo 1991kii, dalka na uu galay dagaal sokeeye oo lagu hoobtay ilaa iyo maanta weli la la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta.

Waa musiibo ku habsatay ummadda  Soomaaliyeed oo sumcad iyo haybad ba ku lahaan jirtay adduunka hase yeeshee maanta ay ku dacdarreysanyihiin yihiin guddaha iyo dibaddaba.

Waxaan mar labaad halkaani hambalyo u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunyadda ka  joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo.

Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii uu lahaa shacabka Soomaaliyeed, sannadkaani sanadka xiga waxaan ilaahay ka baryeenaa inuu nagu gaarsiyo cimri dheer oo caafimaad leh.
Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com

Post Comment