Russiya & Sacuudi Carabiya oo isku soo dhowaanaya


London (Kasmo), Wasiirka Arrimaha Dibadda Russiya, Sergey Lavrov, ayaa Axaddii 10kii Septembar booqasho heer sare ah ku tagay Sacuudi Carabiya, waxayna Jedda ku kulmeen Boqor Salmaan.

Safarka Lavrov ayaa loogu gogol-xaarayaa, Boqor Salmaan,  booqashadii u horreysay taariikhda oo Boqor Sacuudi ah ku tago Fedaraalka Russiya, oo ku beegan bisha Oktoobar.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Moskow ayaa sheegtay in Wasiirka iyo Boqorku isla soo qaadeen xiriirka wajiyada badan ee 2 geesoodka ah iyaga oo hoosta ka xarriiqay ahmiyadda joogtaynta wadahadallada siyaasadeed ee arrimaha Gobolka iyo Caalamka ee 2da dal ka leeyihiin dano kala duwan.

Dhanka Bariga Dhexe, 2da mas’uul waxay ka hadleen sidii xal loogu heli lahaa qalalaasaha badan ee ka taagan Gobolka, sida xaaladda Suuriya, Yaman, Ciraaq, Libiya, Qadar iyo Gacanka intiisa kale  iyo dhulalka Falastiin.

In kasta oo la kala aragti duwanyahay waxaa la isla gartay ilaalinta danaha saldhigga u ah 2da dhinac ee ku fadhiya xurmaynta xuquuqda Caalamiga ah, Qarannimada dhuleed ee dowladaha iyo dagaalka argagixisada iyo xagjirka.

Ergayga Sare ee Ruushka wuxuu la kulmay dhaxal-sugaha Amiir Maxamed Bin-Salmaan oo horey u booqday Moskow bishoo May, si loo sii xoojiyo xiriirka 2da dal ee ugu weyn wax-soosaarka saliidda adduunka.

Lavrov wuxuu kale oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga, Caadel bin Axmad Al-Jubeir, oo shir jaraa’d oo wadajir loo qabtay ku soo celiyay Lavrov, codsigii ahaa in Sacuudigu ku soo biiro  wadahadallada Astana ee Russiya, Turkiya iyo Iiraan ku raadinayaan xalka Suuriya.

Moskow waxay rumaysantahay in ku-biiriitaanka Sacuudigu uu soo jiidi karo  kooxo badan oo fallagada ah, oo hadda ka maqan miiska, in ay ka soo qaybgalaan wada-xaajoodka nabadda.

Kasmo Online

Post Comment