Russiya: Doorashadii Madaxweynaha cusub oo loo dareeray saaka


London (Kasmo), Dadweynaha Russiya ayaa maanta oo Axad ah, 18 March 2018 u dareeray sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweyne cusub, iyada oo  saadaashu u badantahay in Vladimir Putin uu ku guulayan doono markii 4aad.

Taas oo ka dhigi doonta hoggaamiyihii 2aad ee Kremlin ugu muddada dheeraa, oo xilkaas haya qiyaastii rubuc qarni, Josef Stalin ka dib.

Dadka xaqa u leh codbixinta waxaa lagu qiyaasay 109 malyuun, guud ahaan 85ka waaxyood ee isugu jira Gobollada iyo Jamhuuriyadaha Federaalka Russiya, sanaatiiqda codka ayaa laga abaabulay dusha Tariinnada meelaha fog taga, Isbitaallada iyo Saldhigyada Ciidammada.

Waxaa sidoo kale codkooda soo dhiibanaya muwaadiniinta Ruushka ah ee ku nool ilaa 145 dal oo dibadda ah, ilaa Cirbixiyeenka Ruushka ah, Anton Shkaplerov, Taliyaha Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare oo Internetka ku soo codeynaya.

Dadka ku nool Crimea ayaa markii u horreysay codeynaya iyada oo doorashooyinka lagu soo beegay sannadguuradii 4aad markii Russiya ku darsatay dhul-biyoodkaas

Putin waxaa tartanka kula jira ilaa 7 musharrax oo kala hoggaamiya  xisbiyo kala duwan, hoggaamiyaha mucaaradka, Alexey Navalny, oo tartanka laga mamnuucay, eedo musuqmaasuq dartood, ayaa dadka ugu baaay in ay qaadacaan.

Laakiin mas’uuliinta Russiya ayaa maalmihii la soo dhaafay dardar galiyay sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in ay codeeyaan iyada oo la abaabulay afti maxalli ah, riwaayado iyo xaflado kale oo lagu soo jiidanayo.

Putin qudhiisa oo Qaranka hadal u jeediyay maalintii Jimcaha 16 March, ayaa u sheegay in aayaha dalku ku jirto gacmahooda. Saadaashii u dambaysay ee laga sameeyay jawiga doorashooyinka waxay guusha siinaysaa Madaxweynaha talada haya Putin, qiyaastii 69%.

Kasmo Online

 

Post Comment