Russia & USA oo wadajir u dhisaya Saldhig cusub oo Hawada Sare ah


London (Kasmo), Hay’adaha Hawada Sare ee Maraykanka iyo Russia, NASA iyo Roscosmos ayaa heshiis ku gaaray in ay si wadajir ah u dhisaan Saldhig cusub oo hawada sare ah oo la dhigi doono khadka ku wareega Dayaxa (Lunar Orbit).

Dhismaha “Deep Space Gateway” waxaa xaqiijiyay Igor Komarov, Madaxa Roscomos, mar uu ka hadlayay Shirweynaha “International Astronautical Congress” oo hadda ka socda Adelaide, Australia.

Saamballada ugu horreeya waxaa hawada sare loo gani doonaa 2024-2026 gudahooda, heshiiskana, sida wakaaladda “Iterfax” ee Ruushku qortay, waa hordhac, waxaana loo saxiixi doonaa si heer dowladeed ah.

Roscosmos waxaa kale oo ay ku tabarucaysaa dhismaha 1 ilaa 3 Saambal iyo hannaan midaysan oo nooc kasta oo Markab-cireed ah ugu xiran karo Saldhigga.

Mustaqbal ahaan, Hay’adda NASA waxay qabtaa in Mashruuca loo siticmaali karo goob looga sii jahaysto dhanka xiddigga Mars, sannadka 2030ka gudihiisa.

Sida la fahamsanyahay, ka qaybgalka Hay’adaha Hawada Saree e Yurub iyo Canada ka sokow in ay ka qaybgali karaan kuwa Shiina, India, Brazil iyo Koofur Afrika.

Tafaasiisha buuxda ee qaababka farsamo iyo maaliyadeed ee ka qaybgalayasha mashruuca Deep Space Gateway waxaa looga doodi doonaa wajiga dambe ee wadahadallada.

Kasmo Online

Post Comment