Rio 2016:Jemima Sumgong oo heshay billadda Dahabka orodka dheer


2649Jemima Jelegat Sumgong oo Kenya u dhalatay waa horyaalka cusub ee Olimbikada orodka dheer ee hablaha (Marathon),iyada oo u soo hoyisay dalkeeda billaddii u horreysay oo dahab ah xagga hablaha.

Gabadhan 31jirka ah waxaa ay dardarteeda la soo baxday Kiloometirkii 40aad ka dib iyada oo ka hormartay gabadha kale ee Jepkirui Kirwa,oo Kenya u dhalatay laakiin u ordaysa dalka Baxrayn oo dhalashadiisa ay haysato.

Jemima ma ahan magac ku cusub oroddada 42ka Km,waxayna horey u badisay tartannadii qiimaha lahaa ee Rotterdam,Las Vegas iyo kii u dambeeyay ee London,bishii April ee sannadkan. Waxaa kale oo marar hore ay ka qaybgashay tartanno lagu qabtay New York,Boston iyo Chicago.

Akhri sheekooyin la xiriira:

1-/rio-2016-ayana-almaz-oo-jabisay-rekorkii-10ka-km-ee-orodka-hablaha/

2-/rio-2016maryan-muse-oo-orodka-400m-maanta-galaysa/

Kasmo Online

Post Comment