Rio 2016:Cayaaraha Naafada “Paralympics” oo caawa furmaya


Paralympics2016Waxaa caawa,10ka fiidnimo xilliga London, ka furmaya Garoonka Maracana’ ee Rio de Janeiro, Brazil,qaybtii cayaaraha Olimbikada Paralympics 2016” oo loogu talagalay cayaartoyda Naafada ah.

Taariikhda cayaarahan,oo an ka xiiso yarayn kuwa caadiga ah,waxay soo bilaabatay dhammaadkii Qarnigii 19aad,oo Ludwig Guttmann,oo dhakhtarka laf-dhabarka ahaa, abaabulay Olimbikadii London,1948kii.

Cayaarahas oo la magac baxay “Stoke Mandeville Games” waxay markii dambe isu baddeleen nooca aynu hadda naqaanno oo 1960kii ka soo bilowday Olimbikadii Rome.

Laakiin Guddiga Caalamiga ah ee Cayaaraha Olimbikada Naafada waxay ka dhasheen,sannadkii 1989kii,Dusseldorf,Jarmalka.

Cayaaraha caawa furmaya  oo ah kuwii 15aad waxay ka koobanyihiin 23 nooc oo Isboorti,waxaana ka soo qaybgalaya cayaartoy ka kala socota 160 dal,Soomaaliyana waxaa uga soo qaybgalaya 1 qof. Waxaa goobta yaalla 528 billadood oo Dahab ah,waxayna socon doonaan 11 maalmood.

Kasmo Online

 

Post Comment