Rio 2016: Tababarihii kooxda Kenya John Anzrah oo la cayriyay


JOHN-ANZRAHTababarihii kooxda Kenya uga qaybgelaysa Olimbikada Rio, John Anzrah, ayaa loo celiyay dalkiisa, kadib markii uu baaritaankii caafimaadka ee walxaha xoojiya tayada cataartoyda u galay booskii nin orodyahan ah.

Ma ahan ninkii u horreeyay oo reer Kenya ah oo laga cayriyo cayaaraha,  waxaana ka horreeyay Maamule Michael Rotich oo filim si qarsoodi ah looga duubay isaga oo cayaartoyda laaluush weydiisanaya, si ay uga baaqdaan baaritaanka.

Cayaartoyda ayaa mara baaritaan loo yaqaanno “Anti doping” oo laga fiiriyo kaadida, si hubinayo in ay isticmaaleen dawooyinka xoojiya tayadooda, si ay tartanka ugu guulaystaan. Taas oo sharci-darro ah.

_90760174_ferguson_rotich_getty

Guddiga Caalamiga ah ee Olimbikadu wax tillaabo ah oo anshax marin ah kama qaadin orodyahan Fergusson Rotich (Sawirka) oo markii uu dhacdada ogaaday iska xaadiriyay si loo baaro,waana ku bogaadiyeen tillaabadaas, isagoo ah ninka loo badinayo in uu ku adkaan doono orodka 800 oo mitir.

Laakiin John Anzrah oo orodyahan hore ahaa, kuna jiray cayaarihii 1987kii ee Caalamiga ahaa, waxaa dib loogu celiyay dalkiisa.

Kasmo Online

Post Comment