Rio 2016: Maxamed Farax oo billadda dahabka 10,000m ku guulaystay


La-caduta-di-Mo-Farah-768x432Orodyahanka weyn Maxamed Farax ee Britain kana soo jeeda Soomaaliya ayaa si ashqaraar leh ugu guulaystay orodkii 10,000 ee mitir, tartan ka dhacay Istadiyo Joao Avelange ee Rio de Janeiro.

Maxamed Farax waxaa uu ka dheereeyay, kana badiyay Paul Tanui oo Kenya u dhashay iyo Tamirat Tola oo Itoobiya u ordayay.

Orodyahanka ayaa kufay oo dhulka ku dhacay, markii orodku socday 11 daqiiqo oo qur ah. Laakiin waa sare kacay, wuxuuna higsaday, sidii lagu yiqiin, billaddii dahabka ahayd.

Kasmo Online

Post Comment