Rio 2016: Ayana Almaz oo jebisay Rekorkii 10ka km ee orodka hablaha


190900897-a94f57f3-65ce-4ff4-ae56-4516b428d4cdAlmaz Ayana Eba oo ah gabar orodyahan ah oo ka socota Itoobiya ayaa jebisay Rekorkii caalamiga ahaa ee orodka 10,000m ee haweenka, markii ay ku sameysay 29.17.45 daqiiqo.

Rekorkii hore ayaa ahaa 29.31.78 daqiiqo, waxaana dhigtay orodyahanka u dhalatay dalka Shiina, Junxia Wang, 8dii September, sannadkii 1993kii.

Kaalinta 2aad waxaa ku guuleysatay Vivian Cheruiyot oo u dhalatay dalka  Kenya (Sawirka Hoose), oo heshay BAkhri xitaaillada Qalinka, halka kaalinta 3aad ee Billadda Maarta ka gashay Tirunesh Dibaba oo isla Itoobiya u dhalatay.

Guusha Ayana waa billaddii u horreysay oo Dahab ah oo u soo hoyata Qaaradda Afrika, intii ay socdeen tartannada Olimbikada ee Rio 2016ka, waxaana macnaha gaarka ah u sii yeelaya Rikoorka cusub ee la dhigay.

RIOEC8C15PLOE_768x432

Cayaartoyda Geeska Afrika ayaa inta badan lagu yaqaannaa orodyada kala gedisan,iyaga oo wacdaro ka dhiga fagaarayaasha caalamig ah,gabdho iyo wiilalba.

Akhri xitaa::/rio-2016-tababarihii-kooxda-kenya-john-anzrah-oo-la-cayriyay/

 

 

Kasmo Online

Post Comment