Paris: Toogasho ka dhacday agagaarka Kaniisadda “Notre-Dame” iyo dhaawacyo ka dhashay


London (Kasmo), Boliiska Fransiiska ayaa daqiiqadihii  la soo dhaafay toogasho ku dhaawacay nin la sheegay in uu isku day weerar ku sameeyay, isaga oo buuris wata,  mid ka mid ah ciidankooda oo ku sugnaa dibadda Kaniisadda qaddiimiga ah,  Notre-Dame ee  Paris.

Ninka weerarka gaystay ayaa dhaawaciisa  lagu qaaday Ambalaas, Wasaaradda Arrimaha Gudaha war ka soo baxayna waxaa lagu sheegay in ciidanku ka falceliyeen weerarka oo 1 askari ku dhaawacmay.

Dad gaaraya 900 oo booqanayay  ayaa ku xannibmay gudaha Kaniisadda oo ku taalla goobaha dalxiisku ku badanyihiin ee caasimadda Paris, Boliiskuna wuxuu ka baarayaa aagga Ile de Cite oo idil in ay jirto cid kale oo ku lug lahayd.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen nin burris lulaya, dibadda Kaniisadda, una hanjabay dadkii dariiqa lugaynayay ka hor intii uusan askariga beegsan, wararkii u dambeeyayna waxay sheegayaan in uu yahay arday Jaamacadeed,  40 jir ah (kuna haya gacanta Teesigii qalinjabinta),  una dhashay Algeria kuna noolaa woqooyiga Paris.

Waaxda Argagixiso-la-dirirka Xeer-ilalinta Paris ayaa baaritaan ku saabsan dhacdada la sheegay in ay markiiba bilowday.

Kaniisadda Notre-Dame waxaa bishii September 2016kii lagu sigay weerar argagixiso, markaas oo gaari lagu soo rarary haamaha Gaaska,  oo 3 naagood wateen  Boliisku ku guulaysteen in ay hor-qabateeyaan, markii dambana kashifeen shabakad haween ah oo argagixisada ka tirsanaa.

Kasmo Online

Post Comment