Oktoobar 12, 2017 Sannadguurada 63aad (1954-2017) Calanka Qaranka Soomaaliyeed


Maalinta 12ka Oktoobar 2017, waxay ku beegantahay sannadguuradii 63aad ee curashadii Calanka Soomaaliya oo markii u horreysay taariikhda la arkay sida uu u egyahay. Maqaalkaan dheer waa qalinkii  ruug-caddaaga waddaniga ah Dr. Cabdulqadir Cali Bolay oo waayo badan u soo joogay, haddana ku nool magaaladan London.

Waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo gudbinayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maanta oo ah sanad guuradii 63aad ee calanka qaranka soomaaliyeed waa maalin xusid mudan.

Waxaa kale oo aan halkani ugu hambalyeena Xukuumadda ay  hogaaminayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed ku aamineen inuu ilaahay waafajiyo waddada toosan  isla markaana noqdaan kuwiii maamulka  ku hogaamiya cadaalad iyo sinnaan iyo midnimo, kana fogaada musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi  iyo lexjacleysi.

Sidaasi darted waxaa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo  wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatada dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo. Waxaa nasiib daro ah in halgankii lagu keenay calanka qaranka soomaaliyeed iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed oo maanta lagu burburiyey nidaamyo aan horay soomaaliya looga aqoonin oo lagu magacaabay Federaal.

Taas oo ujeeddada ka dambeysa ay tahay in soomaalidii xorta ahayd in loo qaybiyey gobolo si ay marna u noqonin dowalad weyn  oo awood badan leh, waxaan leeyahay in arrinta Fedaraalka in laga fiirsaddo oo shacabka Soomaaliyeed afti laga qaado.

Maxaa yeelay dadweynaha Soomaaliyeed waa dad isku diin, dhaqan iyo afba ah oo is dhalay, mana filaayo in ay maanta xuduuda ay kala xirtaan sidaasi darteed waxaan leeyahay waa in  laga fiirsado nidaamka Fedaraalka ah.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku hanweynaa in maanlin maalmaha ka mid ah la heli doono soomaali weyn oo mideysan, riyadaasi waxay maanta u muqataa in  ay ku dhacday bohol laakiinse waxaan aamiinsanahay inta ay jiraan damiir Soomaaliyeed oo nool  in  dhibaatada iyo damaca gumeysiga cusub  laga guuleysan doono, rajadii Soomaali weyn-na la gaari doono haddii Alla idmo.

Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu u taagan yahay ama  astaan u yahay  qaranimada dalka iska leh,  calankeena buluuga h (cirka oo kale ah) iyo xiddigta  cad ee dhexda kaga taala  wuxuu astaan u yahay  jiritaanka  ummadda Soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey 5ta qaybood.

Calanka Soomaaliyeed oo ah astaan aad iyo aad u qurux badan markii ugu horeysay oo taariikhda  ahayd 12 Oktoober 1954 ayaa  la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum  Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani   aragtidiisu fogtahay , isla markaasina  soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyaha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey calanka sida tan hoos ku qoran;

Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaali weyn  waxaa  loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer  yurub  u  kala qeybiyeen ee 5ta ahaa: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey Talyaaniga, waqooyi galbeed, Soomaali galbeed (oo hadda itoobiya ka  tirsan),  iyo waqooyi bari N.F.D (oo hadda heysato Kenya) , xiligaasi ganacta  ugu jireen  Ingriiska iyo Jabuuti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Faransiiska. Midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay.

Markii uu soo bandhigay, ururka SYL iyo kuwa mucaaradka ahaa,  dood dheer ka dib waa la isku waafaqayf,  muxaafid iyo mucaaridba, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii  Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal kale leeyahay in la qaato.

Hase yeeshe Maxamed Cawaale liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahabi huruud ah , sidaasi darteed  maamulkii xafiiska barasaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda kaga taal.

Halgan dheer ka dib ummadda Soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan, kaasoo ka tarjumaya jiritaankeeda iyo himiladeeda “Pan-Somalism” oo ah in la helo Soomaali weyn oo mideysan.

Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 63 sano jirsaday , wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaas oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed ee xisbigii SYL  kuwaas oo ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.

Waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 63 guuraddii astaanta calanka u ah qaranimadda shacabka Soomaaliyeed. Waxaan jacalahay dhallinyarada qurbaha ku dhalatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka  in ay fahmaan dhibaatadda  xanuunka badan oo loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano.

Runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey  , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyarada maanta jirta ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaradii soomaaliyeed ee ka soo qayb qaadatay  xornimadda.

Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay  markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C (Somali Youth Club)  oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. (Somali Youth League), ururkaasi waxaa albaabada loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday  halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah,  sidii  loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd, sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, waxaana dhavay  dagaalo ba’an  oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale.

Maantaasi waxaa dalka ku  sugnaa Guddigii ka socday 4ta dowladood ee ugu xoog weynaa adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad kana koobnaa, dowladda Mareynka (Mr. Utter), dowladda Ingriiska (Mr.Stafford), dowladda Ruushka (Mr. Feodorof) iyo dowladda Faransiiska (Mr. Burin Des Rosier).

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood  waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo  1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar  Youth Club) oo ay isku mabada’a  ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella”  la magac baxday Patriotic Beneficient, kuwaas oo ka koobnaa todoba urur oo yar yar.

Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageerada shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacbka soomaaliyeed waxaa u suurto gashay in uu hanto  calanka buluuga ah ee sharafta badan oo  maanta aynu ku faanayno. Abwaakii Cabdullahi Qarshe heestiisi calanka oo ah : Qolobaa calankeedu waa ceynoo innaga keenu waa cirkoo kale e…..Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xornimada maanta aynu harsaneyno.

Haddaba waxaan kula dardaarmayaa masuulinta Xuumadda uu horseedka ka yahay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo maamulka guud ee dowladda in ay dib u soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay  joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo.

Dr Cabdulqadir Cali Bolay, London.

 

 

 

Post Comment