Myanmar: Xukuumadda oo sheegtay in ay wax ka qabanayso dhibaatada Rohingya


London (Kasmo), Xukuumadda Myanmar ayaa u soo jeedsatay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Aadami ee qowmiyadda Rohingya, waxaana la abuuri doonaa Guddi shaqo oo arrimahaas maamula.

Guddigu wuxuu ka shaqeyn doonaa sidii degdeg  loogu soo celin lahaa qaxootiga  ka badan 420,000 ee galay Bangladhesh, kuwaas oo ka cararay dagaalladii bilowday 25kii Agosto.

Habka dib u soo celinta qaxootiga wuxuu u dhici doonaa si waafaqsan heshiiskii labageesoodka ahaa ee 1993kii dhexmaray Myanmar iyo Bangladesh.

Go’aanka lagu abuurayo Guddiga shaqo waxaa la gaaray ka dib markii, 22kii September, Aung San Suu Kyi ay la kulantay xubnaha Guddi Xukuumaddu u saartay in ay ka soo talabixiyaan Gobolka Rakhine.

Xukuumaddu waxaa kale oo ay abaabuli doontaa booqashada Wafdi Dibolomaasiyiin ah oo soo indha-indheeya xaaladda Gobolkaas iyo dhibaatooyinka ka dhacay.

Aung San Suu Kyi ayaa idaacadda ka hadashay, 19kii Septembar, ka dib markii cadaadis ballaaran uga yimid Beesha Caalamka iyo Qarammada Midoobay oo Hawlgallada ciidanka Myanmar ku sifeeyay “Isir-nacayb”.

Kasmo Online

Post Comment