Muhaajiriin Soomaali ah, lagana masaafuriyay Maraykanka oo dib loogu celiyay Florida


London (Kasmo), Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu tahay 92, masaafurisna loogu waday dalkoodii hooyo, ka dib markii loo  cuskaday amar soo baxay toddobaadkii hore, ayaa dib loogu celiyay Maraykanka markii ay marayeen dalka Senegal.

Diyaaraddii dadkasi saarnaayeen ayaa la sheegay in ay Jimcihii, 8dii Disember ku hakatay Caasimadda dalkaas Afrikada Galbeed ee Dakar, si shaqaalaha duulliimaadku ugu nastaan dhowr saacadood.

Laakiin Hay’adda Socdaalka Maraykanka “US Immigration and Customs Enforcement” ayaa caddeysay in dadkaas dib loo soo celiyay ka dib markii la wayay kharaj looga bixiyo Huteelka.

Dadkaas waxay intooda badan ku noolaayeen Minnesota, laakiin waxaa loo wareejiyay Luisiana, si loo saaro diyaaraddi dib loogu celin lahaa.

Go’anka Maamulka Maraykanka dib ugu celinayo Soomaalida aan sharciga haysan, laga bilaabo 2014 ilaa maanta, wuxuu kiciyay dhaleeceynta Ururrada xuquuqda u dooda.

Kuwaas oo Xukuumadda Maraykanka ku eedeynaya in aanay xaq ahayn in dadka lagu khasbo sidii ay ugu laaban lahaayeen dal aan xasillooni la isku hallayn karo ka jirin.

Wargayska New York Times ayaa caddeynaya in tirade Soomaalida la celiyay sanndkii 2014 gaarayso 65, sannadkii xigay ee 2015kana 128, halka sannadkii 2016 tiradu gaartay 198. Sannadkaan socda ee 2017, Soomaalida dib loogu celiyay dalkoodii hooyo waxay gaarayaan 521 qofood.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ku jirto liiska dalalka Maamulka Trump ku soo rogay, 24kii September, mamnuucistii cusbayd ee soo-galootiga, markii dambana Maxkamadda Sare ansixisay 5tii Disember 2017.

Kasmo Online

 

Post Comment