Masar: Madaxweyne Al-Sisi, Netanyahu iyo Cabbaas oo New York isku arkay


London (Kasmo), Madaxweynaha Masar, Cabdel Fatax Al-Sisi ayaa kulammo la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud cabbaas.

Kulammo kala gooni ah oo madaxdaasi ku yeelatay New York, oo Fadhiga Guud ee Q.M. ka socdo,  waxay ku soo qaadeen sidii loo soo noolayn lahaa wada-hadalladii nabadda Bariga Dhexe.

Isniintii,18kii Septembar, Al-Sisi wuxuu kulankii u horreeyay oo ka-fool ah la yeeshay R/Wasaaraha Israel, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii xal loogu heli lahaa colaadda falastiin.

Kulan horey uga dhacay dalka Urdun, 21kii Febrayo 2016kii, 2da mas’uul waxay ku lug lahaayeen shirar qarsoodi ah, kuna saabsanaa arrimaha Falastiin,oo lala yeeshay Xoghayihii hore ee Maraykanka, John Kerry.

Afyhayeenka Madaxtooyada Masar, Calaa Yuusuf, ayaa sheegay in kulammada hadda dhinaca Masar ay uga qaybgaleen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Saamix Shukri, Madaxa Sirdoonka, Jeneral Khalid Fowsi iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, Cabbas Kamil.

Yuusuf wuxuu intaas ku daray in R/Wasaare Netanyahu muujiyay qaddarinta uu u hayo kaalinta Masar ee Bariga Dhexe iyo dagaallada ay kula jirto argagixisada.

Al-Sisi wuxuu kale oo 19kii Septembar la kulmay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo uga mahad celiyay dadaalka Masar ugu jirto sidii loo heshiisiin lahaa labada garab ee Falastiin.

Kulankaasi wuxuu ku soo beegmayaa sacado kooban uun ka dib ku-dhawaaqistii rasmiga ahayd ee Ururka Xamaas ee kala dirista Guddigii Maamulka Gaza, si xukuumadda midnimada qaran u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Kasmo Online

Post Comment