Masar: Doorashadii Madaxweynaha iyo Al-Sisi oo cid la taartamaysa jirin


London (Kasmo), Maalinta berri oo Isniin ah, 26 March 2018, dalka Masar waxaa ka bilaabanaya wareeggii 1aad ee doorashooyinka Madaxweynaha kuwaas oo socon doona 3 maalmood.

Sida la wada hubo waxaa ku guuleysan doona Madaxweynaha talada haya, Cabdelfataax Al-Sisi, in kasta oo natiijada rasmiga ah la shaacin doono 2da April.

Al-Sisi, ka dib markii 3 musharrixiintii ugu caansanaa ka hareen, ugu yaraan mid ka mid ah Saraakiisha Militariga oo tartanka ku jirayna la xiray ama la xukumay, waxaa u soo haray 1 nin oo aan loo lahayn aqoon badan. Moussa Mustafa waa nin ka mid ah dadka markii horeba la dhacsanaa Al-Sisi, wuxuuna, sida la sheegay, qabtay 2 kulkan oo qur ah.

Si lamid ah doorashadii  Al-Sisi ku guulaystay sannadkii 2014kii, oo ninkii qur ahaa ee la tartamay helay 3% codadkii, xitaa sannadkaan waxa qur ah ee cusub waa tirada dadka codaynaya (4 sano ka hor waxay ahayd 74%).

Madaxa Hay’adda Xuquuqda Qarammada Midoobay, Zeid Racad al-Xussein ayaa qaba in doorashooyinka Masar ku dhacayaan ‘jawi baahsan oo cabsigalin ah’, arrintaas oo Xukuumaddu dafirsantahay.

Kasmo Online

Post Comment