Masar: Daacish oo 18 askari ku dishay weerar ka dhacay Sinai


London (Kasmo), Ugu yaraan 18 askari oo Masaari ah ayaa lagu dilay weerar gaadma ah oo maanta lagu qaaday kolonyo Booliska Dablayda ah oo maraysa goob ku dhow Al-Cariish, magaalada ugu weyn woqooyiga Sinai.

Argagixisada Daacish oo markii dambe sheegatay ayaa ciidankaas, oo sida la sheegay uu watay sarkaal darajadiisu tahay Sarreeye Guuto,  ka burburisay 3 gaari oo nooca gaashaaman ah.

Geerida askarta waxaa sii dheer dhaawac culus oo soo gaaray Jananka oo la sheegay in lug ka go’day iyo 4 ka mid ah shaqaalihii Ambalaas ciidanka la socotay oo dhaawacyo gaareen.

Daacishta Sinai oo loo yaqaanno “Wilaaya Sinai” waxay tan iyo 2014kii wadaan dagaallo dhuumaalaysi ah oo lagu qaadayo ciidammada iyo Masiixiyiinta Kobtiga ee laga tirada badanyahay.

Weerarkii u dambeeyay oo dhacay 23kii July waxaa lagu qaaday saldhig ciidan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa ka buuxaan, waxaana ku dhimatay ilaa 23 askari.

Kasmo Online

Post Comment