Maraykanka oo Saldhig militari ka samaysanaya gudaha Israel


London (Kasmo), Dalka Maraykanka ayaa markii u horreysay ka samaysanaya gudaha Israel Saldhig Militari oo joogto ah looguna talagalay difaaca circa, kuna dhex yaalla gudaha Saldhigga Ciidanka Cirka Israel ku leeyahay Mashaban, bartamaha Saxaraha Negev.

Madaxa Difaaca Cirka ee Ciidanka Cirka Israel, S/Guuto Tzvika Haimovitch (Sawirka midig), ayaa 18kii September shaaca ka qaaday jiritaanka Saldhiggaas, isla markaana sheegay in uu tusaale u yahay xiriirka qotada dheer ee 2da dal.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Saldhiggu sare u qaadayo awoodda difaaca, Sahanka iyo Falcelinta Ciidammada, farriinna u dirayo Gobolkla iyo dariskaba.

Maamulka Saldhiggaas ayaa gacanta ugu jiri doona Taliska EUCOM (United States  European Command) oo ka mid ah 9ka Talis ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee u xilsaaran habsamiu socodka hawlaha ciidanka.

Saldhiggu wuxuu ka koobanyahay xeryo, xafiisyo iyo adeegyada taakulaynta, wuxuuna ku dhowyahay goob uu ku rakibanyahay Radaar Maraykan ah oo akhriya Gantaalada Ballistic-ga, marka la soo ridana xogta jihadooda u gudbiya Hannaanka Difaaca Cirka.

Sida laga xiganayo Wargayska “Times of Israel” ahmiyadda Difaaca Cirka waxay soo baxday 2014kii, intii uu socday dagaalkii Gaza, oo gantaalo fara badan looga soo riday Israel.

Iskaashiga 2da dal ayaa ah mid fac weyn oo ka madaxbannan maamullada isbeddelaya, gaar ahaanna sannadka 2018ka waxaa bilaabanaya Dabridkii sannadlaha ahaa “Juniper Cobra”, oo sannadkaan ku saabsanaan doona weerar gantaalo oo baaxad leh.

Kasmo Online

Post Comment