Madaxweynaha Turkiya, Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagay Giriigga


London (Kasmo), Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta ku gaaray dalka Giriigga, booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 2 maalmood.

Waa Madaxweynihii u horreeyay oo Turki ah oo muddo 65 sano ah booqasho ku taga dalkaas dariska la ah, isla markaasna, iyaga oo ka wada tirsan NATO, khilaaf badani u dhexeeyo.

Erdogan wuxuu Caasimadda Athens kulammo kula yeelanayaa Ra’iisal Wasaare Alexis Tsipras  iyo dhiggiisa Prokopis Pavlopoulos (Sawirka),  waxaa la adkeeyay nabadgalyada oo ay ku jirto mamnuucista dibadbaxo maanta ka dhici lahaa bartamaha Athens.

Maalinta berri wuxuu u gudbi doonaa Gobolla Thrace, woqooyi-bari dalka, halkaas oo kula kulmi doono muslimiinta laga tirada badanyahay oo salaadda Jimcaha uu kula tukan doono Masjidka qaddiimiga ah ee caasimadda Komotini.

Safarka Erdogan oo ku soo beegmaya xilli Ankara xiisad kala dhexeyso Midoqga Yurub iyo NATO, waxaa la filayaa in lagu hormariyo xiriirka labageesoodka ah ee 2da dal dal ee isku haya arrimo badan oo siyaasad-dhuleed (Geopolitics) ah.

Wax yar ka hor safarkiisa, waraysi uu Erdogan siiyay Tv Giriig ah, wuxuu ku adkaystay in heshiiskii “Lausanne Treaty” ee 24kii July 1923kii, kuna saabsanaa xuduudaha 2da dal, loo baahanyahay in la  cusbooneeysiiyo, taas oo dhalisay buuq kala duwan.

Kasmo Online

Post Comment