Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo


Natiijada codadka wareeggii 2aad oo lagu dhawaaqay, waxaana codadkii ugu badnaa kala helay Musharraxiinta kala ah:-

  1. 1.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 184 cod,
  2. 2.Xasan Sheekh Maxamuud 97 cod,
  3. 3.Shariif Sheekh Axmed 46 cod.

Guddiga Doorashadu waxay ku dhawaaqeen in loo gudbay wareeg  3aad, waxaana  isku soo haray oo wareegga 3aad ku kala hari lahaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase ahaatee, waxaa soo istaagay, oo ku dhawaaqay in laga adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii xilka sii hayey.

Sidaas darteed, Maddaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kasmo Online

Post Comment