Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo la Maxkamaddaynayo ” Hague”


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hortegay Maxkamadda Caalamigga ah ee Dambiyada

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa noqday madaxweynihii u horeeyay ee isaga oo xilkka haya soo hor-joogsada Maxkamadda Dambiyada Adduunka.Wuxuu maanta oo arbaca hor-yimid Maxkamadda iyada oo loo ballansanaa dhegaysiga dacwadaha loo haysto.

Madaxweynaha Kenya ayaa loo haystaa shan dacwadood oo isugu jira dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo in uu gacan ka gaystay rabshadihii la xiriiray doorashooyinkii ka dhacay Kenya, Sannadkii 2008.

Dacwad-oogaysaaha ayaa dawladda Kenya hore ugu eedeeyey in ay qarinayso, xanibtay caddeemihii muhiimka ahaa, ay ku jiraanTelefoonadii la isku dirayey iyo Akoonadii Bankiyada, isla markaasna la laaluushay ama la baqdin-geliyey markhaatiyaashii dacwad-oogayaashu hor-keeni lahaayeen Maxkamadda.

Uhuru Kenyatta wuxuu ku doodayaa in uusan qabin damiyada loo haysto, sidaas darteedna uusan dambiile ahayn, wuxuuna intii uusan ka soo ambabixin Magaalada Nairobi, xilkii Madaxweynenimo si KMG ah ugu wareejiyey ku xigeenkiisa oo ah William Ruto. Kaas oo isaga laftiisa loo haysto dambiyo dhan ah aadanaha.

Kasmo Online, London

Post Comment