Maalinta 2aad ee Ciidda iyo Shabaab oo laga xoreeyey Baraawe


Maalinta 2aad ee Ciidda iyo Shabaab oo laga xoreeyey Baraawe

London (Kasmo),Maanta oo Axad ah, maalinta 2aad ee ayaamaha Barakaysan ee Ciiddu Adxa, Ururka Ashabaab waxay la kulmeen guuldarro kale, waxaana gacantooda si buuxda uga baxday saldhgii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen koofurta Soomaaliya, waa magaalada staraatiigga ah ee Baraawe.

Ilaa maalintii Jamcaha, 3dii Oktoobar 2014, waa muuqatay in ay Baraawe ka sii baxayso gacanta Ashabaab kadib markii la arkay iyagoo banaynaya saldhigyadii ay halkaas ku lahaayeen, waxaase Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gudaha u galeen magaalada, maanta oo Axad ah, dadka Soomaaliyeedna ay u tahay maalin ciid ah oo la dabaaldegayo.

In Shabaabku lumiyaan Baraawe waxay u tahay burbur dhaqaale, mid mooraal iyo mid ciidanba, iyagoo hore looga soo qabsaday isla toddobaadkan Degmada Cadale ee dhinaca bari kaga aaddan magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo Shabaabka laga xoreeyey Buuroleyda Galgala ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Magaalooyinka waaweyn oo hadda gacanta Ashabaab ku jira waxaa ka mid ah Degmada Baardheere, Bu’aale iyo Jilib, kuwaas oo ay ku adkaan doonto in ay sii joogaan qabashada Baraawe ka dib.

Kasmo Online

Post Comment