London: Carada masiibadii lagu hoobtay ee Grenfell Tower oo isa-soo taraysa


London (Kasmo), Dabkii Grenfell Tower ee habeenkii Talaadada wuxuu ka abuuray London buuq siyaasadeed oo saacad walba midda ka sii dambaysa sare u sii kacaya.

Duqa magaalada, saddiiq Khan ayaa Xukuumadda ku eedeyay in ay ka gaabisay sidii looga hortagi lahaa dabkaas, waxaana u jawaabaya Wasiirka Arrimaha dibadda, Boris Johnson. Sababtu waxay tahay isaga oo ah ninkii Khan uga horreeyay shaqadaas, isla markaasna ay ku soo hoobanayaan eedaha la taxayo badankooda.

Hoggaamiyaha Labourka Jeremy Corbyn ayaa ku baaqaya in guryaha iska xiran ee maalqabeennada loo furo barakacayasha ku soo gurya beelay dabka dhismahaas.

Xitaa Warbaahinta u janjeerta Xukuumadda ayaa  Ra’iisal Wasaaraha falcelinteeda qabow iyo dareen yarideeda ku dhaleecaynaysa,  iyo in ay ku gaabsatay booqashada dhaawacyada oo qur ah, isla markaasna ku hallaysay Boqoradda iyo Amiir William in ay  qaabilaan murugada dadkii ka badbaaday masiibadaas.

Ma jiraan wax ka xoog badan muuqaallada Boqoradda oo in ay ilmayso ku dhowaatay, (markii shalay ay dadka kula kulantay Xarunta “Westway Sports Centre”,  iyo Theresa May oo ka dhuumatay dadkaas.

Wargayska Telegraph ayaa qoraya in R/Wasaaruhu khatar ku jirto, xukuumaddeedii wadaagga ahaydna wali dhalan la’dahay, qarkana ay u saarantahay in ay xilka iska casisho.

Dhanka kale,  Guddoomiyaha Xisbiga “Sinn Fein” Jerry Adams ee madaxbannaanida Ireland-ta Woqooyi ayaa afka furtay, isaga oo is-bahaysiga Conservative-ka iyo DUP oo R/Wasaaruhu wadahadalka  kula jirto ku tilmaamay  mid “Sharci darro” ah.

Shuruudihii Heshiisyadii Nabadgalyada Ireland-ta Woqooyi  ee sannadkii 1998kii waxay farayaan Britain in ay dhexdhexaad ka ahaato labada geesood ee awood-qaybsigu ku dhexmaray Gobolkaas.

Galabtana boqollaal caraysan ayaa xoog ku galay xarunta Dowladda Hoose ee Kensington & Chelsea oo ah degmadii masiibadu ka dhacday, dadkaas oo ka cabanaya xaaladdii nabadgalyada dhismaha, caddaaladna codsanaya.

Dadkkii  dhismahaas degganaa  oo ku midaysan “Grenfell Action Group” waxay xilligii la samaynayay dayactirka dhismahaas ka digeen halista ku soo fool leh ee nabadgalyada iyo masiibo weyn oo suuragal ay tahay in ay dhacdo,  laakiin lagama hoos qaadin.

Dad ka badan 100 qof ayaa laga baqayaa in ay ku geeriyoodeen dhismahaas, dadkuna waxay laqi la’yihiin masiibada intaas le’eg, 2017ka in ay ka dhacdo dal ka mid ah kuwa uu ka jiro hannaanka ugu hormarsan ee badbaadada iyo  mid ka mid ah Degmooyinka ugu qanisan London. Lama oga waxa ka  soo bixi doona baaritaanka madaxabannan ee xukuumaddu amartay, laakiin Boliisku ilaa hadda waxay meesha ka saarayaan in si ulakac ah loo gubay dhismahaas.

Masiibada waxaa garab socda dadaalka dadweynaha ee loogu gurmanayo dhibbanayaashii Grenfell Tower, Sanduuq dhaqaale oo loo abaabulay “Crowdfunding” waxaa 2 maamlood gudahood lagu soo ururiyay £2 Malyuun oo Gini.

Kasmo Online

Post Comment