Kulammada labageesoodka ah ee Turkiya iyo Iiraan


London (Kasmo), Madaxweynaha Turkiya, Recep tayyip Erdogan, ayaa Arbacadii, 4tii Oktoobar, booqasho heer Dowladeed ah ku tagay Tehran, ka dib markii uu  martiqaad ka helay Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaanii.

Garoonka Caalamiga ah ee “Mehrabad” waxaa ku soo dhoweeyay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga, Maxamed Shariat Madar, Safiirka Turkiya u fadhiya Tehran, Riza Hakan Tekin iyo Taliyaha Xoogga Turkiya, Jeneral Hulusi Akar oo wafdiga Madaxweynaha ka soo horreeyay.

Qodobbada muhiimka ah ee miiska saaran waxay ka koobanyihiin arrimaha labageesoodka ah iyo kuwa Gobolka, waxaana ka mid ah Aftida madaxbannaanida Kurdistan iyo xaaladda Suuriya.

Ilowareedyo Dibolomaasi oo Iiraan ah waxay la tahay in booqashada Erdogan albaabbada u furayso bilowgii xiriir istrateeji ah oo dhexmara labada dhinac.

Booqashada Erdogan ka hor waxaa Tehran tagay, 2dii Oktoobar, Taliyaha Guud ee Xoogga Turkiga, Jeneral Hulusi Akar oo la kulmay dhiggiisa Iiraan, S/Gaas Maxamed Bagheri.

Labada sarkaal waxay isla soo qaadeen xoojinta iskaashigooda military iyo ka soo horjeedka madaxbannanida Gobolka Kurdistan ee Ciraaq, waxayna isla qireen ahmiyadda xiriirkoodu u leeyahay xasilloonida Gobolka.

Turkiya iyo Iiraan waxay wadaagaan walaac ku saabsan dowlad Kurdi ah oo ka dhalata Gobolka, iyada oo mid walba dalkiisa ku noolyihiin Kurdi laga tira badanyahay. Waxaa kale oo ay ka midaysanyihiin aqoonsiga Xukuumadaha Dhexe,  madaxbannaanida Qarameed iyo midnimada dhuleed ee Suuriya iyo Ciraaq.

Intii uu socday kulanka 2da mas’uul waxay kaga doodeen qorshe-hawleed “Road map” ka dhexeeya oo sidii looga hortagi lahaa waxyeellada ka dhalata Aftida Kurdiga, laakiin qodobbada uu ka koobanyahay shaaca lagama qaadin.

Kasmo Online

Post Comment