Koofur Afrika: Madaxweyne Zuma oo ka badbaaday Mooshin kalsoonidarro


London (Kasmo), Madaxweynaha Koofur Afrika, Jacob Zuma ayaa ka badbaaday Mooshin xilka looga qaadi  lahaa oo ka dhacay Barlamaanka Caasimadda Cape Town maanta.

Mooshinka oo ay soo gudbiyeen Isbahaysiga Mucaaradka  “Democratic Alliance”, waxay  ku guulaysan waayeen in ay ku qanciyaan, tiro ku filan,  Xubnaha Xisbiga ANC ee talada haya, sidii looga takhalusi lahaa Madaxweynaha.

Codbixinta oo lagu qaaday qaab  qarsoodi ah waxaa taageeray 177 xildhibaan oo qur ah iyada oo 198 xubnood ka soo hor jeedsadeen, haddii kale wuxuu ka dagi lahaa xilka oo si toos ah ugu wareegi lahaa ku-xigeenkiisa.

Madaxweynuhu wuxuu la dagay sumcaddii iyo shacbiyaddii Xisbigii Nelson Mandela oo hoos ugu dagay 55% oo in kasta oo ay aqlabiyad tahay noqonaysa natiijadii ugu xumayd tan iyo doorashooyinkii 1994kii ee ka dambayay Rejiimkii Apartheid-ka.

Wuxuu ku eedeysnaa dhowr kiis oo ugu yaraan mid ka mid ah go’aan Maxkamadeed oo ku dhacay  sannadkii 2016kii,  kuna saabsanaa ku-xadgudub xagga Dastuurka ah, ka dib markii uu soo celin waayay lacago dowladeed oo uu ku dayactiray gurigiisa gaarka ah.

Wuxuu kale oo ku eedeysnaa in uu guntiga u galay qoyska hodanka ah ee Hindiga ah, Gupta, oo la sheegay in uu qandaraasyo dowladeed siiyay.

Zuma waxaa kale oo loo haystaa  in uu iska difaaco go’aan suuragal ah oo Maxkamadeed oo dib u furi kara kiiska 800 oo dacwadod oo musuqmaasuq ah kuna saabsan heshiis hub lagu iibiyay sannadkii 1990kii oo ay ku baxday $ 1 Bilyan oo Dollar.

Waxaa kale oo mucaaradku ku eedeynayaan in uu  jeclaan lahaa in ay dhaxasho xaaskiisii hore, Nkosazana Dlamini-Zuma, Xoghayihii Guud ee hore ee Midowga Afrika, oo uu la rabay jagada Madaxweyne ku-xigeenka oo hadda uu hayo Cyril Ramaphosa.

Madaxweyne Jacob Zuma oo 75 jir ah xafiiskana  qabtay sannadkii 2009kii wuxuu horey uga soo badbaaday 8 jeer, Mooshinno loogu diidayo kalsoonida, laakiin markaan codbixinta oo qarsoodi ahayd darteed waxaa badnaa fursadaha xilka looga qaadi karay.

Kasmo Online

Post Comment