Koofur Afrika: Madaxweyne Jacob Zuma oo loo qabtay 48 saac in uu isku casilo


London (Kasmo), Xisbiga ANC (African National Congress) ee talada Koofur Afrika haya ayaa go’aamiyay in Madaxweyne Jacob Zuma iska wareejiyo xilka madaxnimada dalka.

Sidaas ayuu ku soo xirmay kulan aan caadi ahayn oo Isniintii Guddiga Fulinta Xisbiga maalin galinkeed loo fadhiyay, kaas oo uu codsaday Hoggaamiyahooda, Cyril Ramaphosa, isla markaasna ah Madaxweyne ku-xigeenka dalka.

Kulanka Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga oo ka dhacay Huteel ku yaalla Pretoria waxaa la qabtay ka dib markii Madaxwewyne Zuma ka cagajiiday marar badan  in uu xilka Madaxweyne-nimada ka dago.

Tv-ga Dawladda SABC ayaa laga sheegay in kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta ka dib loo qabtay Madaxweynaha in uu isku casilo 48 saac gudahood.

Xeer hoosaadka Xisbiga ayaa qaba in dhammaan xubnuhu u hoggaansamaan talada Guddiga Fulinta, haddiise Zuma ka dhaga adaygo waxaa xilka looga qaadi doonaa Mooshin Barlamaan oo kalsoonida lagala laabto, dhammaadka bisha.

Laakiin wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in Madaxweyne Zuma oo talada qabtay sannadkii 2009kii ku gacansayray in uu qaato digniintaas, wuxuuna mas’uuliinta Xisbiga ku yiri ‘Sameeya wixii aad doontaan’, taas oo u gogolxaari doonta tillaabada Barlamaanka ee Mooshinka..

Jacob Zuma oo 75 jir ah waxaa intii muddo ahba ku furan 783 dacwadood oo  fadeexooyin, musuqmaasuq iyo dunuub kale isugu jira, wuxuuna Disembar, 2017kii xilkii Xisbiga ku wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Cyril Ramaphosa.

Xisbiga ANC oo halgan dheer u soo galay baabi’inta habkii midab kala sooca ahaa, taladana la wareegay sannadkii 1994kii  wuxuu tillaabadaan u qaadaya si uu isu nadiifiyo inta ka horreysa doorashooyinka dhici doona sannadka 2019ka.

Kasmo Online

Post Comment