Kenya: Xiisad ka taagan natiijada hordhaca ah ee Doorashooyinka


London (Kasmo), Dalka Kenya xiisad ayaa ka bilaabatay iyada oo wali lagu jiro tirinta codadkii la dhiibtay doorashadii shalay, natiijooyinka hordhaca ahna waxay Uhuru Kenyatta siinayaan 54%, in uu ku horreeyo, waxaana wali maqan codad gaaraya 15%.

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga (Sawirka)  oo markii 4aad tartamaya ayaa ku gacansayray, isaga oo ku andacoonaya in loo dhacay hannaankii Elektroonigga ahaa ee Guddiga Doorashada.

Taas oo sida uu sheegay looga gol lahaa sidii loo farsamayn lahaa natiijada oo uu ku tilmaamay “weerar lagu qaaday dimuqraadiyaddii”. Odinga ayaa helay 44,4%, iyada oo farqiga hadda u dhexeeya 2da nin noqonayo 1,4 malyuun oo cod,

In yar ka dib warka Odinga Boliiska Kenya ayaa shaaca ka qaday in ay rasaas ku fureen dad dibadbaxyaal ah oo ku sugnaa koofurta dalka, 1 qofna ka dileen.

Xiisadda ayaa aad u kacsan, sidii la filaayay, dariiqyadana waxaa ka soconaya iska horimaadyadii u horreeyay, Boliiskuna waxay ku ridayaan  Gaaska ilmada keena, qaar dadka ka mid ahna waxay ku qaylinayaan “No Raila, No Peace”. Natiijada kama dambaysta ahna waxaa la filayaa in ay qaadato ugu yaraan 1 toddobaad.

Mid ka mid ah doorashooyinkii hore , sannadkii 2007dii, Kenya waxaa ka dhacay dagaallo iyo rabshado socoday 2 bilood oo xiriir ah oo ay ku dhinteen dad gaaraya 1,100 qof iyo 600,000 oo guryahoodii ka qaxay.

Kasmo Online

Post Comment