Kenya: Uhuru Kenyatta oo markii 2aad loo doortay xilka Madaxweynaha


London (Kasmo), Wali rasmi ma ahan laakiin waxaa cad in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbigiisa “Jubilee Party” ku horreeyaan codadkii laga dhiibtay dalka Kenya Doorashooyinkii Guud ee 8dii Agosto 2017.

Madaxweynaha oo, Guddoomiyaha Mucaaradka NASA (National Super Alliance), Raila Odinga, uga horreeya 54,31% waxay u suuragalinaysaa in an loo baahan wareeg 2aad oo qorshysnaa bisha Sebtembar.

Raila Odinga oo markii 4aad tartamaya ayaa guuldarro la kulmay, wuxuuna durabadiiba farta ku fiiqay in hannaankii Kombiyuutarrada Guddiga IEBC (Independent Electoral and Boundaries Commission) ee Doorashada la jabsaday.

Ereyadaas oo laga baqay in ay dhacaan wax ka sii xun siina huriya colaadaha haddaba ka taagan bulshada Kenya gudaheeda.

Marka laga reebo rabshado yaryar oo la sheegay in ay ka dheceen galbeedka dalka, gaar ahaan Kisumu oo saldhigga Mucaaradka ah, dalka intiisa kale waxaa lagu warramayaa in uu  degganyahay hadda.

Dhanka kale ergooyinkii Korjoogtadii Caalamiga ahaa ee dusha kala socday doorashada ayaa muujiyay kalsoonida ay ku qabaan qaabkii Guddiga IECB ee Doorashadu u maamulay hawlaha.

Ergadaasna waxaa kala hoggaaminaya  Marietje Scaake oo u dhalatay Nederlands (Midowga Yurub), Thabo Mbeki, Madaxweynihii hore ee K/ Afrika  (Midowga Afrika)  iyo John Kerry, Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka (Carter Centre).

Kasmo Online

Post Comment