Julian Assange: Dhakhatiir ka digaysa caafimaadkiisa, go’doomintiisa darteed


London (Kasmo), Caafimaadka guud iyo midka maskax ahaaned ee Juliaan Assange ayaa laga dayrinayaa sababta muddada dheer (6 sano) ee uu ku sugnaa gudaha safaaradda Ecuador ee London darted.

Assange, la-asaasihii Barta WikiLeaks, wuxuu u baahanyahay isbitaalka, sida ay caddeeyeen 2 dhakhtar oo bishii Oktoobar booqday. Sandra Crosby oo bare ka ah Jaamacadda Boston School of Medicine iyo Brock Chisholm oo cilmi nafsiga ah fadhigiisuna yahay London waxay Assange baareen 20 saacadood muddo 3 maalmood ah.

Dhakhaatiirtu iyaga oo aan tafaasiil u galin xaaladdiisa guud waxay fikraddooda ku sharrexeen maqaal dheer oo ay ku qoreen maalintii Arbacada wargayska The Guardian ee ka soo baxa London.

Waxaa kale oo ay caddeeyeen in xariggiisa dheer uu halis ku yahay caafimaadka maskaxdiisa taas oo xadgudub ku noqonaysa xuquuqda aadami ee uu u leeyahay gargaar caafimaad.

Dadka Assange taageera waxay ka baqayaan in haddii uu dibadda uga soo baxo safaaradda Ecuador ee magangalyada siisay la qabto loona gacangaliyo Maraykanka, halkaas oo uu ku mudan karo xabsi dheer.

Waxaa loo haystaa eedo la xiriira in uu shaaciyay dokumenti sir culus ah oo dagaalkii Ciraaq iyo kuwo dibolomaasi oo xasaasi ah.

Xukuumadda Ecuador oo Assange siisay dhalashada dalkeeda waxay wadaxaajood kula jirtaa Britain, si mar uun loo soo afjaro xaaladdiisa muddada dheer cakiran.

Kasmo Online

Post Comment