Koofur Afrika:Jacob Zuma oo wali dacwado loo haysto


zumaMaxkamadda Sare ee caddaaladda Koofur Afrika ayaa tuurtay Jimcihii 29kii Abril go’aan Xeer ilaalintu ku joojisay oogista dacwad ka dhan ah Madaxweynaha.

Jacob Zuma ayaa sannadkii 2009kii lagu soo eedeeyay 783 kiis oo dunuub iyo musuqmasuq ah oo uu ku jiro isticmaalka 20 malyuun oo Dollar oo lagu dayactiray guri uu leeyahay.

Garsoore Aubrey Ladabwa ayaa ku tilmaamay in go’aankaasi ahaa mid an caqligal ahayn loona baahnaa in dib loo eego.

Kiiskan oo uu soo nooleeyay Xisbiga caddaanka u badan ee mucaaradka ah “Democratic Alliance” waxaa uu dhabbaha u xaarayaa in madaxweynaha mar kale lagu soo oogo dambiyo.

Eedaha loo haysto Zuma waxaa ku jira musuqmaasuq,wax is daba marin iyo kunturaad sharcidarro ah oo lagu khasiray 4.8 malyuun oo Dollar oo hub lagu soo iibiyay.

Madaxweyne Zuma waxaa uu wali haystaa taageerada malaayiin reer Koofur Afrika ah oo gaar ahaan dadka saboolka ah ee dhulka miyiga ah ku nool.

Xisbigiisa ANC oo ah midkii keenay xorriyadda lana dagaallamay habkii midab kala sooca waxaa uu si ballaaran ugu guulaystay doorashooyinkii sanndkii 2014kii.

Kasmo Online

 

Post Comment